Skip to main content

Xisbiga UCID Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyahoodii Gobollada Awdal Iyo Selel, Xukuumaddana Eedaymo U Jeediyay

(Bakinews-Hargeysa) – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyahii xisbigaasi ee Gobollada Awdal iyo Selel, Ismaaciil Geele Cadarre, waxayna sheegeen in hadal uu saxaafadda ka siidaayay uu ku kaliyahay.

War-saxaafadeed, ay soo saareen guddida fulinta xisbiga UCID, ayaa lagu yidhi sidan  “Xisbiga Caddaaladda iyo daryeelka waxa uu aqoonsanyahay jiritaanka iyo gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland,yahay-na dal madax banaan.Waxa uu xisbiga ucid rumaysanyahay inay dhibaatooyin ka jiraan dalka gaar ahaan gobolada Awdal, Salal, Sool iyo Sanaag oo ay xukuumada kulmiye ku fashilantay.

Xisbiga caddaaladda iyo daryeelka ee UCID waxa uu shacabka jamhuuriyada Somaliland u caddaynayaa in Gudoomiyaha gobolada Awdal/Salal Mudane Ismaaciil Geele Cadarre shirka jaraaid ee uu ku baahiyay warbaahinta keli ku yahay, tahayna aragtidiisa u gaarka ah, balse aanu xisbiga ucid la qabin, kana soo hor jeedno gabi ahaan aragtiyahiisa.

Xisbiga Caddaaladda iyo daryeelka waxa uu rumaysanyahay dalku inuu u baahanyahay isbedel dhab ah oo ku salaysan dimuqraadiyad iyo sinnaansho balse dalku aanu baahnayn isku dhac iyo in dhiig lagu daadsho.


Sidaa darteed Gudida fulinta ee UCID shir ay ku yeesheen xafiiska xarunta xisbiga waxay xilkii ka xayuubiyeen Gudoomayahii gobolada Awdal/Salal laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 02/01/2014 ka dib markay yiqiinsadeen inuu jebiyay qodobada dastuuriga ah ee kala ah qodobka 1aad iyo ka saddexaad, isla markaana jebiyay qodobada 7aad, 8aad iyo 35aad ee xeerka xisbiga UCID.

Gudida fulintu waxa ay gudida anshaxa u gudbisay inay ka fadhiistaan xubinimada Mudane Ismaaciil Geele”

Allaa Mahad Leh

Guddida Fullinta ee Xisbiga UCID, 

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Faadumo Qasiim Hilowle - Nabi amaan qasaaid Ila Daawo