Skip to main content

Muuse Biixi oo sheegay in Madaxweyne Siilaanyo lagu diray hase yeeshee uu ku faanayo kalsoonidiisa in uu mar walba haysto

Hargeysa(ATN) Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo shir jaraa’id kumuse1qabtay goor dhaweyd xarunta guud ee Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay shirweynaha Xisbiga Kulmiye inaan Madaxweynaha looga maarmayn joogitaankiisa, dibu-dhaca ku yimid na ay taasi aasaas u tahay.Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay maalmahan in lala wareegayo in ay is haystaan madaxweynaha, isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu sheegay

in ay arrintaas wadaan dad Xisbiga ka Xun oo faragalin dibadeed oo ay ku burburinayaan wada, waxaanu ku dooday madaxweyne Siilaanyo in uu taageeradiisa haysto.
“dadka doonaya in ay Madaxweynaha iyo aniga yidhaahdaan way is haystaan waxaan ugu quus goynayaa madaxweynuhu in uu I taageeray markii aan gudoomiye ku-xigenka Xisbiga u ordayey, hadana kii Burco ee uu igu wareejiyey Guddoomiyanimada in uu I taageeray, maalmihii dhawaa ee shirweynaha markii guuxu isku baxayna waa kii yidhi guddoomiyanimada haloo daayo, markaa waxa markhaati iigu filan inuu hore iyo danbyaso taageeradiisa I siiyey, ana sidaas oo kale aan taageero u hayo”Muuse Biixi Cabdi mar uu ka hadlayey khilaafka ka dhex aloosan xisbiga waxa uu yidhi “ Xisbigu waa xisbi weyn, oo taageero badan haysta marka ay timaado arrin shirweyne waxa iska jira dano badan, Xisbigu sharci buu leeyahay, cid kasta oo danteeda ka arki weydana maaha in ay buuqdee waa in ay sharciga u martaa, waxa jira dad dacwad iiga geeya madaxweynaha oo waraaqo Foojari ah u geeyey oo xata aka gaadhsiiyey waxa lagaa saaray Xisbigii, dadka waxaas wadaa ma inay ii yimaadaan oo xataa haddii warqad qaldani iga soo baxday yidhaahdaan baa siday ku dhacday mise waa in ay madaxweynaha ku cararaan” ayuu yidhi Muuse BiixiGuddoomiyaha Xisbiga Kulmiye mar uu ka hadlayey Kulmiye ahaan waxa u yaala waxa uu yidhi “ Kulmiye iyo xukuumadda waxa u yaala hawlo badan oo ay ka mid tahay Shirweynihii xisbigu, waxa u taala in wixii dadweynuhu codkooda ku siiyeen lagula xisaabtamo wax aka fulay iyo waxa kale, waxa u taala in Doorashadii madaxtinimada oo ay laba sano wax ka yari ka hadhay wakhtigeedii lagu qabto, Kulmiye ahaan iyo Xukuumad ahaanba waxaanu u sheegaynaa Dadweynaha iyo Axsaabta Mucaaradka ahba inaanu hawlahaas ka soo bixi doono oo aanay noqon doonin kuwo lanagu canaanto, haddii ay yimaadaan duruufo naga awood badani mooyaane” ayuu raaciyey.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.