Skip to main content

Mudaharaadkii HCTV Ka Wariyey Deg. Oodweyne Oo Beenoobay & Su’aallo Ka Taagan Sababta Ka Dambaysay Baahintiisa !

(Bakinews-Hargaysa) – Telefeeshinka Madaxa banaan ee HCTV, ayaa baahiyay xalay in mudaharaad xoogani ka dhacay Magaaladda Oodweyne, oo ay booqasho ku joogeen wafti ka tirsan Xukuumadda Somaliland, waftigaas oo uu hor kacaayay Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaji Xasan, ayna xubna ka ahaayeen Wasiir ku-xigeen ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaji Yuusuf Waabeeyo.

Warka Tv-ga HCTV oo ay soo dirtay wariyada uga soo waranta Magaaladda Oodweyne waxaa hedhkiisa akhriyay Wariye Cabdisalaan Ibraahim Hereri oo si weyn ugu nuux nuuxsaday in mudaharaad balladhan oo shan qof ku dhaawacmeen ka dhacay Magaaladaasi, iyadoo Wariye Cabdisalaan hereri ku daray qodobada ugu doorka roon wararkii Telefeeshinku habeenkaas baahinaayay, waxaan kamid ahaa weedhihiisi.”Magaaladda Oodweyne oo uu ka dhacay mudaharaad ballaadhan oo lagaga soo horjeedo booqashada Wasiirka Madaxtooyaddu ku tagay halkaasi, iyadoo ay ku dhaawacmeen dad gaadhaaya ilaa shan ruux, oo mid kamid ahi halis yahay.” Warkaas ayaa gabi ahaanba noqdey mid beenoobay oo aanay waxba ka jirin, siday cadeeyeen dadweynaha ku dhaqan magaaladda Oodweyne, sidoo kale ay ku dhaarteen masuuliyiintii waftigu. Geesta kale warka sheegaaya mudaharaadkaas ayaa wuxuu ahaa mid ku kooban Tv-ga HCTV, iyadoo ay kaga duwanaayeen dhammaan Telefeeshinadii kale ee ka soo waramaayay booqashada waftig. Xildhibaan Maxamed Xaji Yuusuf Wabeeyo oo ka hadlaayay sababta beenta intaas leeg ku kaliftay HCTV, maruu u waramaayay saxaafadda ayaa yidhi.
“Annaga oo Weftigayaga iyo Guddiga horumarinta Oodweyne shirayna, ayaa dad Website-yada (Shabakadaha wararka) ka akhriyey Muddaharaad baa Weftigii Oodweyne tagay lagu qaabbilay oo muddaharaad ballaadhan baa dhacay ay nala soo hadleen, Wallaahi iyo Billaahi inaannaan ogeyn aragna muddaharaad dhacay iyo meel uu ka dhacay oo Oodweyne ka dhacay, waxaasi waa been iyo warar aan la iska hubsan, Gabadha Horn Cable TV u shaqaysa ayaa la yidhi iyaduna war muddaharaad sheegaya ayay baahisay, gabadhaasi markii Askartu wiilka eryanaysay ayay carartay, dabadeedna way kuftay, ee muddaharaad ay aragtay iyo dhibaato iyada loo geystay midina ma jiro, ciyaal xaraabaysanayay marka labada Wiil ee Odayga caayey la qabanayey maaha in muddaharaad lagu sheego. Waxaannu maanta (shalay) gelinkii dambe-ba u soo ambabaxnay magaalada Burco oo aan hadda kaala hadlayo.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye.

Si kastaba ha ahaate been abuurka warkan ayaa fadeexad ku noqon kara kalsoonida Telefeeshinka HCTV.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.