Skip to main content

War degdeg ah-- gudoomiyaha golaha wakiilada putland oo la doortay


Siciid Xasan Shier ayaa ku guuleystey doorasho Marathon ah oo maanta ka dhacdey aqalka Golaha Wakiilada ee Puntland, taas oo martey saddex wareeg. Siciid Xassan ayaa wareega saddexaad kula tartamey Afhayeenkii hore ee Baarlamaanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi. Wareegii saddexaad ayaa Siciid Xasan Shire heley codad ku filan oo gaaraya 40 cod, halka Cabdirashiid Maxamed Xirsi helay 26 cod oo keliya, waxaa looga baahna qofka guushu raaceyso in uu helo cod dheeri 66 Xildhibaan.
Siciid Xasan Shire ayaa ah siyaasi ruug cadaa ah muddo dheerna ku soo jirey Siyaasadda Soomaaliya, Sanadkii 2000 ayuu ka mid noqdey Baarlamaankii lagu soo dhisey Tuulada Carta ee dalka Jabuuti. Sidoo kale waxa uu mar labaad noqdey Xildhibaan Dowladda Federaalka ahayd ee lagu soo dhisey dalka Kenya 2004, waxaana Xukuumaddii Cali Maxamed Geedi uu ka noqdey Wasiir kuxigeen.
Siciid Xasan Shire ayaa iska casiley Xildhibaanimadii Dowladda federaalka sanadkii 2010, waxaana u dib ugu soo noqdey Puntland. Siciid Xasan Shire ayaa mar kale ka soo muuqdey Siyaasadda waxaana Madaxweyne Faroole u magacaabey Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Puntland, xilkaas oo uu hayey tan iyo hadda oo loo doortey afhayeenka Baarlamaanka Puntland. Afhayeenka cusub ayaa ka soo galey Baarlamaanka Gobolka Sanaag/Haylaan.
Baarlamaanka ayaa isla maanta dooranaya labada guddoomiye kuxigeen oo ay u taagan yihiin Xildhibaano ka soo galay Baarlamaanka Gobolada Sool/Cayn iyo Bari/Karkaar.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Faadumo Qasiim Hilowle - Nabi amaan qasaaid Ila Daawo