Skip to main content

HargeysaSheekhii-Shalay-Toorayda-Lagu-Dhaawacay-Oo-Ka-Warbixiyey-Sida-Uu-Falku-U-Dhacay-Iyo-Xaaladiisa-Caafimaad

Hargeysa(ATN) Jan.18, 2014-Sheekh Maxamed Haybe Geele oo ka mid ah culimada magaalada Hargeysa oo uu shalay nin tooray ku weeraray,isaga oo muxaadiro ku qabanayey badhtamaha Magalada Hargeysa.

Sheekh Maxamed, waxa uu ninkaasi laba goor tooreyda kaga dhuftay garabka bidix oo dhawr qodob la tolay. Sheekha oo ay warbaahintu ku booqday cisbitaalka guud oo lagu dawaynayey ayaa ka waramay sida loo weeraray, waxaanu yidhi, “Maalinta Jimcaha muxaadaro ayaanu qabanaa, waxaanan shalay ku qabanay diyaaradda hoosteeda, waxaanu mawduuca muxaadaradu ahaa in Carrabka in la ilaaliyo. Markii aanu dhammaynay ee aanu qalabkii furfurnay ee aanu xaraynay islamarkaana aan ku socdo masaajidka Adino ayaan maqlay cod xagga dambe iga leh “Wadaadkoow, wadaadkoow.” Codkaas oo igu soo dhow markii aan eegay waxaan arkay nin toorey sita, waanu igu bilaabay tooridii, waxaanan isku dayay inaan is difaaco, Alle mahadii halkii uu doonayay inuu igaga dhufto igagama ay dhicin oo Alle ayaa I badbaadiyay.”
Sheekhu isagoo hadalka sii wata wuxuu yidhi, “Labada meelood ee ay tooreydu igaga dhacday waxa la tolay meelna shan qodob, meelna afar qodob, suulka gacanta midigna waxa la tolay afar qodob.”
Falkan ayaa ah mid uu noociisu ku cusubyahay magaalada Hargeysa, waxaana goobtii uu falku ka dhacay si weyn ugu soo xoomay dadweynihii ka ag-dhawaa oo la yaaban falkan.
- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/HargeysaSheekhii-Shalay-Toorayda-Lagu-Dhaawacay-Oo-Ka-Warbixiyey-Sida-Uu-Falku-U-Dhacay-Iyo-Xaaladiisa-Caafimaad.html#sthash.FhBMFJkq.dpuf

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.