Skip to main content

Abdi Warsame Oo Loo Dhaariyay Xilka Degmo Ka Mid Ah Minneapolis”SAWIRRO”

Munaasabad aad u balaaran oo lagu dhaariyey islamarkaana ay xilka si toos ah ula wareegeen duqa magaalada Minneapolis iyo gudoomiyayaasha degmooyinka ayaa ka dhacday xarunta madaxtooyada magaaladaasi. Munaasabadaan ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda ugu  saraysa gobolka iyo dalka Mareekanka, siyaasiyiin, culumo, iyo waliba jaaliyada balaaran ee Somaaliyeed oo si weyn uga muuqatay.

Somaalida ku dhaqan Minneapolis ayaa soo buux dhaafiyey madasha, iyagoo muujiyey shucuur qiiraysan kana tarjumaysa taagerida ay u hayaan gudoomiyihii u horeeyey degmo oo kasoo jeeda qowmiyada Somaalida. Waxaa goobtaasi lagu dhaariyey Maayarka cusub ee magaalada Minneapolis marwo Betsy Hodges iyo gudoomiyayaasha degmooyinka magaalada Minneapolis.
Abdi Warsame oo ah shaqsigii u horeeyey Muslim oo noqdo gudoomiya degmo ayaa goobtaasi ka dhexmuuqday, isagoo ku labisan Shaal iyo Koofiyad Somaali. Culumaa’udiinka gobolka  oo marti qaad ka helay Abdi Warsame ayaa sidoo kale ka muuqday safka hore ee munaasabadaasi, iyagoona muujiyey kalsooni iyo farxad aan abid horay loo arag.
Abdi Warsame oo la hadlay saxaafada Somaalida iyo kuwa caalamiga ah ee dalka Mareekanka ayaa u mahadnaqay dadwaynaha doortay islamarkaana sharaxay agendahiisi 4ta sano soo socoto. “Amaanka, hormarinta degaanka iyo shaqo abuuris ayaa ahmiyadeedi koowaad ah,” ayuu yiri Abdi Warsame xilli uu u waramaayey saxaafada.
Sheikh C/qani Qardhawi oo kamid ah culumaa’udiinka ugu waa’weyn magaalada Minneapolis oo la hadlay saxaafada ayaa yiri; “labiska Abdi Warsame uu munaasabadasi u xirtay ayaa fariin u diraysa siyaasiyiinta Somaalida inay maqaam sare gaari karaan iyagoo aan ka tagayn dhaqankooda.”
Munaasabadaasi ayaa kusoo gebagabowday jawi wanaagsan. Gudoomiyayaasha degmooyinka Minneapolis ayaa isla maanta u fadhiistay kala fadhigii u horeeyey sanadkaan 2014, iyagoona u doortay madaxweyne, marwo Barb Johnson.
1 2 3 4 56891011 12

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.