Skip to main content

Wax badan ka ogow Taariikh Nololeedka Madaxweynaha Cusub ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntiland

BAKINEWS MOGADISHO--M/weynaha cusub ee maanta loo doortay M/mulka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas waxaa uu ku dhashay magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta Galgaduud 2,dii bishii July sanadkii 1965,kii.

Jaamacadii ummadda Soomaaliyeed ayuu ka baxay sanadkii 1984 waxaana uu shahaadada Bach,ka ka qaatay maadada dhaqaalaha iyo Artska inta badan waqtigiisa waxbarashada waxaa uu ku qaatay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.


Sanadkii 1988 ayuu u wareegay dalka Maraykanka waxaana uu waxbarashadiisa kasii watay dalkaasi waxaana uu wax ka bartay Jaamacado ay ka mid yihiin Harvard, George Mason iyo Buffalo oo uu hadda bare ka yahay.


Marka loo eego dhanka siyaasadda waxaa uu soo galay 12,kii bishii July sanadkii 2010 xilligaas oo loo magacaabay R/wasaare ku xigeen iyo wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga xukuumaddii ku meel gaarka aheyd ee uu hogaaminayay Max’ed C/llahi Farmaajo.


19,kii bishii June sanadkii 2010,kii ayaa C/wali Max’ed Cali Gaas waxaa loo magacaabay sii hayaha xilka R/wasaaraha Soomaaliya kadib markii uu is casilay Max’ed C/laahi Farmaajo maalmo kadib 23 isla bishaas June 2011 M/weynihii hore ee Soomaaliya Sh, Shariif Sh, Axmed ayaa u magacaabay R/wasaaraha Soomaaliya xilkaas oo uu hayay tan iyo 7 October 2012 kii .

Bishii April 4,teedii C/wali Gaas waxaa uu ka bad baaday qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Toyaatarka Qaranka Soomaaliya ee Muqdisho kaasoo galaaftay nolosha dad badan in kale ay ku dhaawacmeen.

Horaantii bishii August isla sanadkaas 2012 ayuu ku dhawaaqay C/wali Gaas inuu yahay Musharax u taagan xilka madaxtinimada Soomaliya ee dhacday bishii September 2012,kii hase ahaateee mar dhexe ayuu ka tanaasulay dorashadaas.

Maanta oo bisha January ay tahay 8 2014 ayuu C/wali Max’ed Cali Gaas uu noqday M/weynaha Maamulka Puntland kadib markii wareegii ugu dambeeyay uu la tar tamay m/weynaha waqtigi ka dhamaaday C/raxmaan Faroole oo 5,tii sanadkii lasoo dhaafay maamulkaas majaraha u hayay.

C/wali Gaas waxaa hor yaala howl adag sida dad badan aaminsan yihiin oo ay ka mid tahay soo celinta xiriirkii Puntland ay dawlada Soomaaliya la laheyd oo meesha ka maqnaa waayihii dambe.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.