Skip to main content

Qabashada Araajida Musharaxiinta U Taagan Madaxtinimada Puntland Oo Ka Socota Garowe

Qabashada araajida musharixiinta u taagan xilka madaxtinimad maamulka Puntland oo si habsami leh uga socota magaalada Garowe ee xarunta gobolkaa Nugaal.
Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Garowe ay ka socdeen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo xoog leh deegaannada Puntland islamarkaana la soo dhisay Baarlamanka cusub
ee Puntland ayaa haddana waxaa Garowe si habsami leh uga socda qabashada araajida musharaxiinta u taagan Madaxtinimada maamulka Puntland oo ku eg gelinka dambe ee maanta.
Guddiga doorashada ee maamulkaasi ayaa hore u iclaamiyay in qabashada araajidu ay ku egtahay gelinka dambe ee maanta, islamarkaana maalinta berito ah la dhageysan doono khudbadaha musharaxiinta halka maalinta Arbacada ah oo taariikhdu ku beegantahay 8-da bishan ay dhici doonto doorashada madaxtinimada Puntland.
Goob joogayaal ka socda Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ayaa lagu soo waramayaa iney ku sii suganyihiin halkaasi, kuwaas oo dusha ka eegaya sida loo agaasimayo doorashooyinka madaxtinimada maamulka Puntland.
Dhanka kale magaalada Garowe oo ah xarunta maamulka Puntland ayaa la ciirciireysa dad aad u farabadan,  iyadoo musharaxiintu ay wadaan galaan gal siyaasadeed oo aad u xooggan, waxeyna dadku dhowrayaan bal cidda ku soo bixi doonta doorashada madaxtinimada ee maamulkaasi

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.