Skip to main content

Wasiirka Duulista Oo Golaha Wakiilada U Gudbiyey Xeerka Duulimaadyada Madaniga Ah, Faahfaahinna Ka Siiyay

ddd4Hargaysa(SBN) Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta  waxay warbixin kaga dhagaysteen Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka, Maxamuud Xaashi Cabdi.

Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka ayaa Xildhibaanada fadhiga ka soo xadirey faahfaahin ka siiyey hawlaha ay wasaraddiisu u hayso qaranka isaga oo sheegay inay hawlo balaadhan ka qabteen madaarrada Hargeysa iyo Berbera.

 Wasiirku waxa uu sheegay in dawladaha adduunku isticmaalaan habab kala duwan xagga madaarrada, qaarkood ay dawladuhu maamulaan iyo qaar ay shirkado madax banaan maamulaan, sidaa awgeedna waxa uu xusay inay doonayaan in madaarada Somaliland lagu wareejiyo shirkad madax banaan, wasaaradduna ay dusha kala socoto isla-markaana ay u shaqeeyaan si heer caalami ah.

Wasiirku waxa uu Golaha Wakiilada u soo gudbiyey xeerka duulimaadyada madaniga ah kaas oo uu sheegay inuu ka kooban yahay 91 qodob.

Comments

Popular posts from this blog

Kulankii madaxweynaha soomaaliland iyo raysal wasaaraha ethopia ku dhex maray magaalada adis ababa Daawo

Waxa maanta si diiran logu soo dhaweeyay magaalada borama madaxweynihii hore ee awdal state

Borama-Nuux kadiye-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in M\waynihii Hore Awdalstate Rshiid Awnuur sii fiican loogu soo dhaweeyay magaalada Dila dadwaynaha kala hadlay barxada hore isaga iyo wafdigii uu hogaaminayayba waxayna uga mahad naqeen sida fiican ay ugu soo dhaweeyeen dhulkoodii hooyo ay mudo maqnaayeen

Waraysi Gaar ah oo Puntland TV la yeeshay Madaxweynaha Puntland Prof. Cabdi wali maxamed cali gaas oo arimo badan ka hadlay oo ay ka mid inuu soo celin doono gobolada sool sanaag iyo cayn ee soomaaliland ka tirsan Daawo ...