Skip to main content

Al-Bashir oo gaaray Juba, South Sudan

Madaxweynaha Sudan Cumar Al-Bashir ayaa gaaray magalada Juba ee caasimadda South Sudan si uu wadahadal ula yeesho dhigiisa Salva Kiir Mayardit.
Sudan ayaa ka walwalsan dagaalka ka socda South Sudan, iyadoo xiriir dhanka dhaqaalaha ah uu u dhexeeyo labada dal.

Wadahadallo fool ka fool ah

Dagaal xoogan ayaa ka dhacay duleedka magaalada Bor, caasimadda gobolka Jonglei ee istaraatiijiga ah.Booqashada Bashir ayaa imaanayso iyadoo saacado yar kaddib la filayo in wadahadallo fool ka fool ah ay dhexmaraan wafdiyada ka socda labada dhinac.

Magaalada Bor

Ciidamada dowladda ee isku dayayo in ay la wareegaan gacan ku haynta magaaladaasi ayaa weerar gaadmo ah lagu qaaday, waxaana halkaasi looga dilay Jeneraalkii hoggaaminayay.
Bashir
Madaxweynaha Sudan Cumar Al-Bashir ayaa la filayaa inuu gaaro Juba
Magaalada Bor ayaa waxaa gacanta ku haya fallaagada taabacsan Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalkaasi Riyek Machar.
South Sudan
Ciidammada SPLA ayaa kala qeybsan iyadoo qaar ay taageersan yihiin Riek Machar
Dagaalka ka socda South Sudan ayaa waxaa barbar socda dadaallo nabadeed oo gaabis ah kuwaasi oo ka socda caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

Dhul dheeraad ah

Wadahadallada labada dhinac loo kala dab qaadayay ayaa qabsoomay, balse waxaan si rasmi ah weli u bilaaban wadaxaajood fool ka fool ah oo ay labada dhinac yeeshaan.

Waxaa muuqato in dhinac kasta uu isku dayayo in dhul dheeraad ah qabsado ka hor inta aysan xabad joojin dhicin.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.