Skip to main content

Wada Hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Lagu Kala Kacay iyo Ergadii Somaliland Oo Dawladda Turkiga Ka Codsatay Inay Si Rasmi Ah Usoo Dhex Gallaan Labada Dhinac

Istanbul(ATN) Kulankii labaad ee wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo badhasaab kux0xigeenakwajigoodii fool ka foolka ahaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalo madaxda ganacsi ee dalka Turkiga ee Istanbul ayaa labada dhinac isku mari waayeen qodobadii ajandaha shirka la soo dhigay, iyadoo dhinac waliba qodobka madax banaanida Somaliland iska taagtay.

Ergadii uu hogaaminaayey wasiirka amniga ee dawladda Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa diiday inay gebi ahaanba aqbalaan ka hadalka madax banaanida Somaliland, qodobkaasi oo shallay guddiyadii isku dhafka ahaa ee labada dhinac u xil saareen wada hadalku ay ku soo dareen mar danbe.Kulanka oo u badna gorfayn iyo wada hadal huwan duur xul iyo lafa gurid ku sallaysan taariikhdii midnimada labadii gobol ee Somaliland iyo Soomaaliya ee 1960-kii midoobay, ayaa waxaa hadal dheer ka jeediyey madasha wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo hadalkiisa ka codsaday dhinaca ergada Soomaaliya inay keenaan qodob sharci oo ay u cuskanayaan inay Somaliland ka sii mid ahaato Soomaaliya, Mr. Biixi wuxuu kulanka ka sheegay in markii labada gobol ee Somaliland iyo Soomaaliya midoobayeen aanu jirin qaraar sharci oo la geeyey qaramada midoobay oo labadii dhinac ku heshiiyeen.Mr. Biixi wuxuu usoo bandhigay ergada dhinaca kale inay dadka reer Somaliland waagaasi iyadoon cidi qasbin ay midnimada qaateen, maantana iyagoo aan cidi qasab ku lahayn ay xornimadoodii la soo noqdeen, wuxuuna si adag ugu soo jeediyey ergada dawladda Federaalka Soomaaliya inay aqbalaan oo ay muujiyaan gobonimadii ay dadka reer Somaliland 1960-kii muujiyeen.Dhinaca Ergada Soomaaliya ayaa waxay ku doodayeen in dalkii Somaliland ee 1960 ee midawga la gallay Soomaaliya aanay beelahii degaayey u wada dhamayn madax banaanida Somaliland, waxaana ergada Soomaalidu sheegeen in aan la joogin wakhtigani xilligii Soomaaliya ay kala tagi lahayd, iyagoo sheegay in haddii ay Somaliland go’do ay marka u horseedi doonto dhinaca kalana in gobol kastaaba gooni usii go’o, taasina aanay aqbalaynin.Kulanka ayaa noqday mid hadalka si weyn la iskugu kululeeyey oo aan waxba la iskula hadhin, waxaana ergadii Soomaaliya ay diiday inay aqbasho in qodobadda heshiiska wada hadalka ka soo baxaya lagu darro inay aqoonsadaan madax banaanida Somaliland.Markii halka la marayo ayaa ergada Somaliland waxay ku henjabeen inay wada hadalka ka baxayaan isla markaana u gudbinayaan beesha caalamka ee shirka dhex dhexaadinaysay in aanay wada hadalkani fool ka foolka ah sii wadi karin, balse beesha caalamku si rasmi ah usoo dhex gasho, si loogu garnaqo isla markaana beesha caalamku ay keento xal kama dambays ah.Wararkii ugu danbeeyey ayaa tibaaxaya in la isku afgaran laayahay qodobadda heshiiska wada hadalka lagu gaadhayo ee ballantu ahayd in maalinta berri ah la shaaciyo, iyadoo saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiguna ay labada dhinac ergooyinkooda si gooni gooni ah ula kulmeen.Wada hadalkani maanta ilaa caawa soo gaadhay ee dhex maraya ergooyinka Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ah kuwii ugu xasaasisana uguna kulula, marka la bar bar dhigo afartii kulan ee ka horeeyey.Wararka imika aanu hellaynaana waxay tibaaxayaan in ergada dhinaca Somaliland ay ka baxeen wada hadalka, isla markaana ay dalbanayaan in dawladda Turkigu wada hadalka si rasmi ah usoo dhex gasho.Weli kulanada ayaa caawa wakhti danbe ka sii socda magaalada Istanbul, iyadoo ay u dhawdahay inay dawladda Turkigu soo dhex gasho wada hadalka si xal looga gaadho heshiis ay labada dhinac gaadhaan, ergada dhinaca Soomaaliya ayaa u eg qaar naqasku ku dheganyahay oo u muuqda qaar aan go’aan qaadasho lahayn.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Labo ka mid ah isbitaalada ugu waawayn marinka Gaza oo shaqo joojin sameeyay

 Laba ka mid ah isbitaaladii ugu waawaynaa Marinka GAZA ayaa joojiyay hawlihii caafimaad ee ay u qabanayeen bukaanada ku soo dhaawacmay duqeymaha halkaasi ka socda  Labadii isbitaal ee ugu weynaa Gaza ayaa joojiyay inay qaabilaan bukaanno cusub sababo la xiriira duqeymaha ka dhanka ah Israel iyo daawo yaraanta ay weheliso Gabaabsiga shidaalka, iyadoo la sheegayo inay Korortay dhimashada bukaanada iyo shaqaalaha caafimaadka. Al-Shifa iyo Al-Quds, oo ah isbitaallada ugu waaweyn Gaza, ayaa sheegay inay gabi ahaanba Hakiyeen hawlihii shaqo ee Gargaarka iyo daawaynta bukaanada  Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa tilmaamay in qaar kamida shaqaalihii caafimaadka isbitaaladaasi la dilay  inkastoo hayada caafimaadka aduunka ay ka digayso kororka dhimashada bukaanada kuna baaqday in si deg deg ah loo sameeyo Xabad Joojin .

Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Qore Rabiile Xaaji Abiib

  Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Magaca Gadabuursi, waxa inta badan la yidhaa waa naanaysta "Ilma Siciid", sida aan ka akhriyay Buugga taariikhda Gadabuursiga ee uu qoray Cabdiraxmaan Qaadi (AHUN). Qoomiyada Oromadu waxa ay leeyihiin fasiraad dheer oo qodobkan la xidhiidha. magaca Gadabuursi waxa ay si toos ah u la xidhiidhiyaan nidaamka maamul ee dhaqanka Oromada (Gada System). Waa nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku soo doortaan Gandaha Dhaqan oo ah xeerbeegtida bulshada oo uu madax ka yahay (Abaa-gadhe), golaha Difaaca oo ah hogaanka ciiidanka oo u madax ka yahay (Abaan-Duulle) iyo Golaha Sahanka iyo Xidigiska oo madax ka yahay (AbĂ an waare). Nidaamkan GADA ayay ku tilmaamaan in uu ahaa nidaam gadabuursiga la gu majeeran jiray, magaca Gadabuursi na uu kala jabo laba qaybood oo kala ah Gada oo ah "Nidaam" iyo "Biirsi" oo ah hadhaadigii. Macnuhu waa hadhaagii Nidaamka. Siday ku timid? Inkasta oo aanay dhacdadani si cad u gu dhignayn Buugga furash