Skip to main content

Gudoonka Baarlamaanka oo loo gudbiyay Mooshin looga soo horjeedo in Wasiirada Cusub lagu soo daro Wasiiradii hore

Muqdisho _ Bakinews-Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay kaga doodayaan mooshin ku saabsan in golaha Wasiirada cusub aan lagu soo dari karin xubin ka mid ah Xukuumaddii ay baarlamaanka kalsoonida kala laabteen.

Fadhiga maanta oo uu shir guddoominayo Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari islamarkaana ajandaha kulanka uu ahaa meel marinta hindise sharciyeedka hay’adda daraasaadka badaha iyo Shintiriska ay baarlamaanku ku shaqeynayaan sanadkan cusub, ayaa mudanayaal ka tisan baarlamaanka waxa ay guddoonka u soo gudbiyeen mooshin ku saabsan in xubin ka mid ah Golahii Wasiirada ee ay baarlamaanku kalsoonida kala laabtay aan lagu soo darin golaha Wasiirada cusub ee uu soo dhisayo R/wasaaraha dalka C/weli Sheekh Axmed Maxamed.


Xildhibaannada soo saxiixay mooshinkan ayaa baarlaamanka ka codsaday in laga dooddo mooshinkan, maadaama uu yahay mid xaasaasi ah oo u baahan in mudanayaashu ay aragtidooda ka dhiibtaan, waxayna xildhibaanada soo gudbiyay mooshinkan ay u cuskadeen in aysan xiligan habooneyn in Golaha Wasiirada cusub lagu soo darro Xukuumaddii kalsoonidii laga laabtay oo ay kusheegeen in xubno ka tirsanaa Xukuumadaasi ay wax ka saxiixeen mooshinkii kalsoonida lagala noqday.

Mudanayaal kale oo aragtiyo ka duwan qaba doodda mooshinkan ayaa sheegay in muwaadinku uu xaq u leeyahay in markale la soo doorto oo xil loo dhiibo, taasi oo ay ku sheegeen in mooshinkaan uu ka hor istaagayo in mudanaha markale la soo dooran lahaa in uu sidaan xil ku waaayo, waxayna ku tilmaameen in ay tahay mid aan habooneyn.

Doodda mooshinka ku saabsan in xubin ka mid ah Xukuumaddii hore ee kalsoonida ay baarlamaanku kala laabteen aan lagu soo dari Karin Xukuumadda cusub ayaa ah mid weli socda, iyadoo markii ay soo gabo gabowdo aan idin soo gudbin doono waxa ka soo baxa dooddaasi.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.