Skip to main content

War Deg Deg Ah R/Wasaare Cabdi wali oo Baarlamaanka ka codsaday in 10-Maalin la siiyo iyo Baarlamaanka oo cod u qaaday

Wararka aan ka heleyno Xarunta Golaha Shacabka ee ku shirsan yihiin Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in goordhaw Baarlamaanka loo aqriyay Warqad uu Baarlamaanka kaga codsanayo Ra'izul Wasaare Cabdi Wali in lasiiyo 10-maalin oo dheeraad ah uu kusoo dhiso Xukuumada.


Gudoomiyaha Baarlamaaanka Prof Jawaari ayaa Baarlamaanka u aqriyay Warqada uu soo diray Ra'izul Wasaaraha uu kaga codsanayo Xubnaha Baarlamaanka in la siiyo 10-maalin dheeraad ah uu kusoo dhiso Xukuumada Cusub.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dooday Warqad kaga timid Ra'izul Wasaare Cabdi wali oo Maalintii shalay ku ekeed Xiligii Gudoonka Baarlamanaka horey ugu qabteen in Golaha Wasiirada kusoo Magacaabo Baarlamaankana hor keeno.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood kulul ka yeeshay Warqada Codsiga uu maanta usoo diray Ra'izul Wasaaraha Soomaaliya waxa ayna qaarkood soo dhaweeyeen waqtiga loogu daro halka kuwa kalana ay kasoo horjeesteen.

Ugu Dambeyn Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod u qaaday Warqada Codsiga ee kaga timid Ra'izul Wasaare Cabdi Wali waxaana u Codeeyay in Waqti Dheeraad ah la siiyo Ra'izul Wasaaraha Xildhibaano gaaraya ilaa 142-Xildhibaan , waxa uuna Prof Jawaari Shaaca ka qaaday in Baarlamaanka isku raacay in 10-maalin lasiiyo Ra'izul Wasaaraha.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.