Skip to main content

Ciidamada S Sudan oo ku socda Bentiu

Kumaanan ruux ayaa ka qaxaya magaalda gacanta ugu jirto fallaagada South Sudan ee Bentiu iyadoo laga cabsi qabo inay qabsadaan ciidamada dowladda.
Dadka intooda badan waxay galayaan xerada Qaramada Midoobay ay ku leedahay magaalada.

Safka hore


Ciidamada dowladda ayaa isu diyaarinayo inay gudaha u galaan magaalada.
Weriya ka tirsan BBC-da oo jooga magaaladaas ayaa sheegay in fallaagada ay ka gurteen safka hore ee dagaalka.
Weriyuhu waxaa uu sheegayaa in fallaagadu ay u muqdaan inay burburinayaan hubka culus ee aanay qaadan karin.
Magaalada waxay gacanta ugu jirtaa xoogaga fallaagda ee uu hoggaaminayo madaxweyne kuxigeenkii hore Riek Machar.

South Sudan
Ku dhawaad 200,000 oo ruux ayaa ku barakacay dagaalka South Sudan
Machar ayaa loollan dhanka awoodda ah kula jiro madaxweyne Salva Kiir Mayardit.

Wadahadalka Addis Ababa

Wadahadal ayaa labada dhinac uga socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Dhedhexaadiyayaasha wadahadallada ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Addis Ababa, kaddib booqasho ay ku tageen magaalada Juba, halkaas oo ay kula kulmeen madaxweyne Salva kiir.
Labada dhinac ayaa la sheegayaa inay isku mari la'yihiin qodobka maxaabiista siyaasadeed ee taageersan Machar oo ku xiran magaalada Juba.

Waxaa kale oo la filayaa in laga hadlo qodobka xabadjoojinta

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.