Skip to main content

Wasiirka Warfaafinta Hirgeliyay Qorshe Shaqaaleweynaha Wasaaradda Warfaafintu Soo Dhaweeyeen

Hargaysa (ATN): Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. C/laahi Maxamed daahi (Cukuse) ayaa shaaca ka qaaday in shaqaalaha ka hawl-gala wasaaradaasi qof walba lagu  abaal marin doono kartida, hawl-karnimadda iyo shaqo wanaaga uu hadba la yimaado oo ay ficil u bedalayaan isla bishan Janaury qiimaynta shaqaalaha.
Waxaanu sheegay in qorshaasi qiimaynta shaqaalaha oo ay muddo dheer ku hawlanaayeen masuuliyiin ka tirsan madaxda wasaaradaasi in uu dhaqan gali doono bishan January ee aynu hada ku jirno, isaga oo tilmaamay  in aanay jiri doonin in ay kala mushahar badnaadaan shaqaalaha  markastaba heegan ah iyo kuwa aan kaba soo xaadirin xarumaha shaqadda.

Wasiir  C/laahi Cukuse waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad dheer oo uu ka jeediyay kulan balaadhan oo uu maanta xarunta wasaaradda kula yeeshay  shaqaale waynaha  ka hawl gala waaxyaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, kulankaasi ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradaasi C/rashiid Jibriil Yuusuf, agaasime-waaxeedyadda wasaaradaasi, madax-qaybeedyadda iyo shaqaalaha qaybaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta.

C/laahi Cukuse ayaa waxa uu khudbadaasi  si qoto dheer  ugaga waramay qorshaha uu doonayo in ay ku shaqayso wasaaradda warfaafintu, isla markaana la dejiyay ama la sameeyay nidaam cusub oo la doonayo in lagu hago habsami u socodka hawlaha shaqo ee wasaaraddaasi iyo shaqaalaha ka hawlgala, taasi oo uu tilmaamay in ay tahay qorshe cadaaladi ku dheehan tahay.

Wasiirku  isaga oo ugu horayn ka hadlayay u jeedada uu ka lahaa kulanka uu shaqaalaha wasaaradda isugu yeedhay waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan marka hore idiin sheego u jeedada aynu maanta halkan isugu nimid, waad ogaydeen oo mar hore ayaynu isla goobtan kaga wadahadalnay in badana arrintaasi way jiitantay, waxaynu isku sheegnay oo  aynu ka wadahadalnay bishii December horaanteedii  iyo markii aanu xilka nimidba in wasaaradan shaqaalaheeda iyo masuuliyiinteeda iyo madaxdeeda iyo sida looga nool yahay ama looga shaqeeyo in aynu dib u  qaabayn  ku samayn doono, in aynu dib u eegi doono, in aynu dib u qimayn doono, in aynu illaahaybaa cadaalad sameeyee isku deyi doono in aynu cadaalad samayno, waanay soo jiitantay, laakiin maanta (shalay) waxaynu isugu nimid gebagebadii arrintaasi”.
Waxa kale oo uu wasiirku faahfaahin ka bixiyay wakhtiga uu dhaqan gelayo qorshaha cusub ee lagu hawlgelayo iyo sida loo abaalmarinayo ama lacagta loogu kordhinayo    shaqaalaha ay sida tooska ah shaqadu ugu dhacdo iyo talaabada laga qaadayo kuwa aan wax shaqo ahba aan qabanin ee fadhiga lacagta ku qaata.  “Waxaan idiin sheegayaa inuu bishan January dhaqan geli doono waxa  aan halkan imika  idiinka  sheegi doono, saddex nooc ayaanu ka kooban yahay waxaanay kala yihiin shaqqaalaha Tv-ga qaranka  iyo shaqaalaha idaacadda Radio Hargaysa,   shaqaalaha SOLNA iyo kuwa wargeyska DAWAN oo iyagu hoos yimaada agaasimaha guud,  shaqaalahaasi oo ay ka maqan yihiin fanaaniintu  marka tiradooda la isku darro waxa weeyi 554-qof, marka aynu eegno tiradda intiina halkan imika fadhidaana ma aha 554-qof sidaas ayaanay markasta inta shaqaalaha timaadaa uga yartahay  inta maqan, sidaas ayaa in badan oo aan dan iyo muraad toona ka lahayn in ay shaqadda yimaadaan ay jiifka ugu qaataan Gunno iyo Mushahar labaddaba. Bishan January suurta gal ma noqonayso inuu  nina jiifka ku qaato Gunno iyo Mushahar nin kalena  uu cadceeda taagnaado oo weliba uu habsankii u dheer yahay, oo  hanjabaadii u dheer tahay, oo xanaaqayagii u dheer tahay, taasi suurta gal ma noqonayso, waxaa qasab ah oo qasab ah in aanu illaahay ka cabsano oo aanu ku dhawaano  in aanu cadaalad idinku dhaqno” ayuu yidhi wasiirku.
Waxa kale oo uu wasiirku ka hadlay  qaab casri ah oo lagu xaadirinayo shaqaalaha wasaaradda kaasi oo ah qaab kombuyuuteraaysidh ah, kaasi oo uu sheegay in qofkasta mushaharkiisa loogu qiimayn doono marka loo xisaabiyo inta maalmood ee uu shaqeeyay. Waxaanu yidhi “Halkan wasaaradda waxaa la keenay figure printer  loogu tallo galay in shaqaaluhu ay isku diiwaan geliyaan, maadaama oo  ay shaqaalaha wasaaradda warfaafintu shaqeeyaan saacaddo ka badan saacadaha ay shaqeeyaan shaqaalaha caadiga ah ee dawladdu  oo ay shifti labada gelin ah galaan,  waxaa la keenay   figure printer-kaasi oo yaala xafiiska shaqaalaha, nin walba waxaa mushaharkiisa loogu sar-jarayaa saacadaha uu dawladda u shaqeeyay, waxaana halkaasi ku qoran in marka uu qofka shaqaalaha ahi soo galo shaqadda in uu Suulka saaro marka uu baxayana uu Suulka saaro, bishu marka ay dhamaato isaga ayaa xisaabinaya  figure printer-ku inta saacadood ee aad dawladda u shaqaysay, markaa qofka shaqaalaha ahi inta uu kombuyuutarku u xisaabiyo ayuunbuu musharkiisu noqonayaa”.

Isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxaynu u  saarnay guddi soo qiimaysay sida ay shaqaaluhu u kala shaqo badan yihiin, guddidaasi waxay ka koobnayd masuuliyiinta  wasaaradda agaasimaha guud,  maareeyaha Tv-ga, guddoomiyaha wargeysyadda DAWAN Media group, agaasimaha waaxda farsamadda idaacadda ee Radio Hargaysa iyo agaasimaha Radio Hargaysa, waxaanay qaateen liiska dhamaanba shaqaalaha wasaaradda oo ay qof qof u qiimeeyeen, iyaga oo la kaashaday xafiiska shaqaalaha wasaaradda iyo xafiiska bixinta mushaharooyinka, ka dibna waxay ku soo kala qoreen sida ay dadku u kala shaqo badan yihiin qof walba waxa uu yahay ayay guddidaasi ku qiimaysay, Guddi kale ayaanu ka daba magacawnay si ay u saxaan wixii ka qaldamay guddida hore, guddidaasi oo ahayd madax qaybeedyada waaxyaha wasaarada, wixii ay isku raaceen ayaan idinla hor joogaa, wixii ay isku raaceen ana waan ku raacay, waynu fulinaynaa qiimayntaasi  ay madaxqaybeedyada iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradu isku raaceen, waxaa qiimayntaasi ka soo baxay koox la qiray in ay yihiin  ma shaqaysteyaal, qaar  shaqayn lahaa balse yidhaahdo shaqoba la iima dirto, qaar aan weligoodba wasaaradda imanin oo malaha u haysta in shaqaddaba loo qoray in aanay shaqaynin laakiin ay mushaharka uun qaataan. Guddidii aanu u dirnay soo qiimaynta shaqaalaha wasaaraddu laba go’aan ayay ka soo saareen, labadaasi go’aan ma aha kuwo is-burinaya, talooyinkii ay gudidii ayaa soo saartay  markii ay hawsha dhameeyeen, go’aamadaasina waa kuwa gebagebada ah ee aynu imika shaqadda ku bilaabayno, Qoladaasi aan sheegay ee labada nooc ah ee ma shaqayteyaasha ah, waxay noqotay qolada tidhi weligayaba shaqo lanooma dirin ee shaqo ayaanu diyaar u nahay, waxay xaq noogu leeyihiin in aanu shaqo u dirno, shaqadii ayaananu u diraynaa liis ayaanu soo dhejinaynaa, meel uu ka soo shaqeeyo ayaanu ku qoraynaa haddii uu u shaqo tegi waayana is-casilaadiisa ama shaqo ka tegista ha noo soo gudbiyo, waxay noqotay qoladda kale ee la sheegay in aanay weligoodba soo shaqo tegin iyaga illaahay ayaa iskeen baday ayaan leeyahay oo waanu is-baran doonaa”.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Md. C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa waxa uu sheegay in qofkasta oo ay isku raaceen in uu mashaqayste yahay labadii guddi ee loo saaray qiimaynta shaqaalaha in laga bilaabo bishan laga jarayo gunnaddii uu qaadan jiray, halka kuwa ku dooda in ay shaqo diyaar u yihiin shaqo balse aan shaqo loo dirin in iyagana shaqo loo dirayo isla markaana haddii ay hawsha loo diro ka soo bixi waayaana talaabo laga qaadi doono.
Waxaanu sheegay wasiir  Cukuse in   ay jiraan xubno hore shaqaale uga ahaan jiray wasaaradda oo ay qaarkood dalkaba ka dhoofeen kuwo kalena ay wasaaradaba ka bedesheen hadana ay weli mushaharkii qaataan, isaga oo tilmaamay in dadkaasina dhamaantoodba laga jarayo mushaharka, isla markaana ay arrintaasi ku dhamaanayso bishan aynu ku jirno.
Wasiirku waxa kale oo uu markii u horaysay sheegay in dadka shaqaalaha ah ee aan shaqadda qaban Karin ee xanuunsanaya ama hawlgabka ah in iyagana mushaharkooda laga wareejiyay wasaaradda, isla markaana ay wixii had aka danbeeya lacagtooda ka qaadan doonaan xafiiska hawlgabka ee hay’ada shaqaalaha dawladda, isaga oo tilmaamay wasiirku in aanay sidoo kale jiri doonin in dadka noocaas ah mar danbe laga jari doonin mushaharkooda.
C/laahi Cukuse isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa meesha ku jirta guud ahaanba ninka ama gabadha ay labadaasi guddi isku raaceen in uu ma shaqayste yahay maanta laga bilaabo gunadii waan ka jaray, laakiin mushaharkii ayuu leeyahay waayo wuxuu ahaa qof shaqaale ah oo liiska ku jiray, balse gunnadda waxaa lagu bixiyaa shaqadda dheeraadka ah ee uu qofku qabto, taasi waa qodob, qodobka labaadna wuxuu yahay qofkii shaqaale ah ee ay labadda guddi isku raaceen in uu shaqaysto ee aan maanta gunno qaadan gunnadda kuwaasi aanu ka jarnay ayaa u soo wareegi doonta, bisha February ee danbena xisaabtanka danbe ayuu noqon doonaa, qaybta kale ee meesha ku jirta ee la xisaabtanka ahi waxa weeyi, kuwaasi waa tallooyinkii guddida, markii aanu aniga iyo guddidii isku noqonay ee aanu dib u wada fadhiisanay  qodobadii ka soo baxay, ta koowaad waxay tahay dadka aan shaqadda qaban Karin ee xanuunsanayay ama hawlgabka ahaa  mushaharkoodii meel aan lagaga daba tegi Karin ayaa   loogu  wareejinayaa oo waxaa loo dhigayaa xafiiska Hay’adda shaqaalaha dawladda ee hawl-gabka ayaa loogu wareejinayaa, waana xafiis daa’iman ah, waxaana damaanad qaaday xukuumadda dhexe, markaa mushaharkooda nin danbe oo ka jari karaa ma jiro halkaasi ayaanan u dhigaynaa. Shaqaalaha dhoofay iyaga mushaharka waanu ka jaraynaa, qofka ay labadaasi guddi isku raaceen in uu dhoofay ama uu bedeshay liiska waanu ka saaraynaa, dhamaanba ma shaqaysteyaasha waxaa laga jarayaa Gunnadda, qofkasta oo shaqaale ah waxaa mushaharka lagu siinayaa inta uu shaqadda ka yimaado sideeda saacadood ee uu xeerka shaqaalaha dawladdu ina farayo, waxaa Gunnaddana lagu siinayaa qiimaynta ay madaxdiisu qiimayso, saddex bilood oo danbe ayaa la qiimayn doonaa raggaasi iyo dumarkaasi aynu shaqadda cusub u abuurnay ee aynu imika hawl-gelinayno”.
Waxaanu intaasi raaciyay “Waxaynu nahay dad isku shaqo ah isku mihnadna ka wada shaqeeya, waxaynu nahay dad asxaab ah, markaa marka uu mid inaga mid ahi baxo ee uu dhinto waa in aynu inteena kalena u gurmano oo aynu noloshii ubadkiisa iyo reerkii uu ka tegay ka wada shaqayno, ma aha in aynu nidhaadhno wuu dhintay ee kabihiisa ayaa dhaama, sidaas odhan mayno waayo saaxiibkeen ayuu ahaa, saaxiibadeen ayay ahayd, waxaa dhici jirtay in marka uu wasiir cusub ama agaasime cusub loo soo magacaabo wasaaradda ee kuwii hore la bedelo in ay ku werweri jireen miyaa la dinka jari taasi way dhamaatay, dadka inaga midka ah ee ay sidaasi ku dhacdo go’aankii ugu horeeyay ayaan idiin qadimayaa mushaharka iyo gunadda midna laga jari maayo,  wasiir kale oo aniga iga danbeeyana waxba haka nixina meel aanu idinkaga daba iman Karin ayaan mushaharkiinii idiin dhigayaa” ayuu yidhi wasiirka warfaafintu.


“Waxaa iyana  jiraysa guddida anshaxa wasaaradda warfaafinta, guddida anshaxa ee wasaaradu waxay markii hore ahayd masuuliyiin ta maamulka tooska gacanta ugu haysa, waxaanay ahaayeen kuwa qofka soo eedaya isla markaana maxkamaddana ahaa, ta maxkamadaynta ayuunbaynu ka reebaynaa oo imika iyaga ayaa eedaynaya, qiimaynaya, dalacsiinaya, oo iyaga ayaa soo cadaynaya in qofka xaq loogu leeyahay in shaqadan loo diro iyo in aan loogu lahayn, markaa guddida anshaxa imika ayaynu dib u magacaabaynaa oo shaqaalaha saddex xubnood oo ka mid ah ayaynu ku daraynaa, inta kalena madax-qaybeedyadda hoose ayay ahaanayaan mid iyaga ka mid ah ayaana lixdii biloodba xukumi doona”.
C/laahi Maxamed Daahir (cukuse) ayaa kula dardaarmay guud ahaanba shaqaalaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta in ay ogaadaan muhiimadda ay leedahay shaqadda ay umadda u hayaan, isla markaana ay ku dadaalaan sidii ay dadka ugu gudbin lahaayeen warar iyo barnaamijyo aqoon leh waxna ay ka baranayaan bulshadu.Waxaanu sidoo kale shaqaalaha iyo masuuliyiinta wasaaradda u soo jeediyay in ay is ixtiraamaan isna xushmeeyaan, isla markaana ay shaqaaluhu u hogaan samaan madaxdooda.
Isaga oo arrimahaasi ka ahdlayayna waxa uu yidhi “Haddii aad tihiin shaqaalaha wasaaradda waxaan idinka codsanayaa meeshan shaqo adag ayaynu ku haynaa shaqadda aynu haynaa waa shaqo umadda qiimo wayn ugu fadhida, waa shaqo ay tahay in aynu wax barno umadeena, haddii ay tahay dhinaca waxbarashadda, dhinaca shaqadda, dhinaca nolosha hagaagsan iyo nabadgeliyadda, dhinaca diinta, dhinaca dhaqanka iyo dhinaca wadaniyadda  inaga ayaa muraayad u ah umadda, idinka ayaa la idinka doonayaa in aad umadda wax ku kordhisaan, waxaa la inaga doonayaa in aynu umadeena waxbarno dhinaca nolosha arrimaha bulshadda,  waxaynu  doonaynaa in aan qofka shaqaalaha ah la Hiifin, oo aanu midkeena midka kale hiifin, oo isaguna madaxdiisa ka danbeeyo oo uu ixtiraamo oo uu ka xishoodo, oo aanu ninka madaxda u ah isku soo taagin,  markaa waa in aad labadiinuba saaxiib ahaataan waana in kala danbaynta la ilaaliyaa, ninka masuulka ahina waa in uu ogaadaa in ay masuuliyadi saaran tahay dadkana ay ubadkiisii yihiin oo illaahay masuul uga dhigay oo aanu ku dul kibrin ee waa in uu ilaaliyaa, qofka shaqaalaha ahina waa in uu madaxdiisa ku ikraamo oo uu ixtiraamo sidaas ayaynu isku ognahay”.
 

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g