Skip to main content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii ugu horeesay ka hadlay Sababaha aan wali loo Magacaabin Golaha Wasiirada

Muqdisho(Bakinews)Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta markii ugu horeesay ka hadlay Asbaabaha keenay in Ra'izul Wasaare Cabdi Wali Sheekh AXmed Waqti badan ku qaadato in uu soo dhiso Golaha Wasiirada.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya iyo Dadweynuhuba ay si weyn uga dhur sugayeen soo dhisitaanka Golaha Wasiirada hasa ahatee ay timid wax xoogaa dib u dhacyo ah sida uu tilmaamay Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa u sababeeyay arimaha keenay in uu Ra'izul Wasaaraha lasoo daaho Golaha Wasiirada ay tahay Wadatashiyo dheeraad ah uu arintaasi ka sameenayay Ra'izul Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed.


Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday Baarlamaanka Soomaaliya in ay muujiyaan dulqaad badan, dhawaana Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay kasoo dhamaan doonto gacantiisa Golaha Wasiirada, kadibna Baarlamaanka loo gudbin doono.

Xasan Sheekh waxa uu Tilmaamay in uu kalsooni badan ku qabo in Ra'izul Wasaare Cabdi uu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh , waxa uuna Madaxweynaha xusay in ay gabo gabo mareyso soo Magacaabista Golaha Wasiirada

Hadalka maanta kasoo yeeray Madaxweyne Xasan heekh Maxamuud ayaa imaanaya xili Ra'izul Wasaare Cabdi Wali waqti badan ku qaadatay in uu soo dhiso Golaha Wasiirada , waxaana la filayaa in Saacadaha soo aadan in Ra'izul Wasaaraha ku dhawaqao Liiska Golaha Wasiirada Cusub.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.