Skip to main content

Daawo Sawirada Madaxda Dalka oo ka qeyb galay 44 Guurradii Kasoo Wareegatay Aas Aaska Hay'ada Nabad Sugida

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo xalay ka qeybgalay xafladii xuska sanadguuradii 44aad ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) ayaa yiri “Hay’ada Nabadsugidu waxey hormuud ka tahay amniga iyo nabadeynta Soomaaliya.”

Xafladan ayaa waxaa kaloo ka soo qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, Sii Hayaha Xilka Ra’iisul Wasaare Ku xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sii Hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Taliyeyaasha ciidamada, Guddoomiyaha Gobolka Banadir iyo mas’uuliyiin kale. Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa fannaaniinta Heegan ay ruwaayad iyo madadaalo halkaas ku soo bandhigeen.


Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey xaflada ayaa yiri “Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan shaqaalaha Hay’ada Nabad sugida, xaasaskooda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo caawa u dabaaldegaya 44 guuradii kasoo wareegtey maalintii la aas aasay hay’adan muhiimka u ah amniga nabadeynta iyo xasilinta dalka. Dowladuna waxey ahmiyad gaar ah siisey amniga oo dhaqaalaheeda kooban ay u hurtay. Waxaan ammaanayaa hay’ada Nabad sugidda oo sanadkii la soo dhaafay howlo muhiim ah ka qabatay dalka kana hortegtey falal amni daro lala damacsanaa shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ku guuleysteen inay falalkii ka dhacay maxkamadda iyo xeradii QM ay si deg-deg ah u soo afjareen isla markaana ay ku wada dileen kooxihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.”

Madaxweynaha ayaa ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday Garowe oo uu yiri “Waxaan u hambalyeynayaa Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku guuleystay xilka Madaxweynaha Puntland, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu xilkiisa u sahlo. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey diyaar u tahay inay wax allaale iyo waxii lala qaban karo Puntland lala qabto, isla markaana aan si wadajir ah uga wada shaqeyn doono arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin sidii dalka Federaal looga dhigi lahaa isla markaana dalka oo dhan loo xasilin lahaa.”

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii tacsi u direy reerkii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Abwaan Aw Jaamac Cumar Ciise oo ku geeriyooday Djibouti. “Aw Jaamac waxuu ahaa qoraa Soomaaliyeed oo taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliyeed wax badan ka qoray, waxuuna nooga wada baahanyahay inaan wada xasuusanno oo aan u wada duceyno.










Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.