Skip to main content

Ra'izul Wasaare Cabdi Wali oo si caro leh uga hadlay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu weeraray Hotelka Jaziira

Bakinews mogadisho--Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ku tilmaamay weerarkii lagu fashilmay ee lagu qaaday hotelka Jaziira ee Muqdisho in uu ahaa mid fulaynimo ah, liddi ku ah diinta Islaamka, siina xoojin doona xiriirka dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo si wadajir ah uga guulaysan doona naf-lacaariga waqtigoodu dhamaaday ee argagixisada Al-shabaab.


Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay ciidanka Booliska iyo kooxaha gurmadka dag daga ah sidii ay uga hortageen weerarkaasi,uguna gurmadeen shacabka Soomaaliyeed ee halkaasi ay dhibaatadu ku qabsatay, Waxaana uu Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya tacsi tiiraanyo leh la qaybsaday eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen kuwii ay jeclaayeen, wuxuuna ilaahay uga baryay in uu caafimaad dag dag ah siiyo intii ku dhaawacantay falkaasi.

“Weerarada ay soo qaadayaan kooxaha xagjirka ah sida kii ay ku hungoobeen ee xalay lagu qaaday hotelka Jaziira waxay xoojinayaan go’aankeenna ku wajahan cirib-tirka argagaxisada”sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli, waxaana uu raaciyey...



“Dalku wuu soo hagaagayaa, dawladdu waa ay jiri doontaa, dadka Soomaaliyeedna way noolaan doonaan laakiin kuwa naf-lacaariga ah ee Argagixisada ku ah umadda soomaaliyeed iyagaa laga guulaysan doonaa, meel kasta oo ay joogaanna waan ku baacsan doonnnaa.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in Argagixisadu ay cadow ku tahay nolosha shacabka iyo horumarka dalka. “Soomaaliya waxaa ay horay ugu socotaa dawladnimo iyo horumar ay qayb ka yihiin shacabka Soomaaliyeed ee kasoo gudbay dhibaatooyin aad u badan oo dalka ku dhacayay waqti dheer, kuwa ku soo duulay dalka iyo dadkawaxay ka kasbanayaan shacabka cadawnimio.”

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.