Skip to main content

U.S oo ka Digtay Weeraro ka dhan Safaaradaheeda


Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay Jimcihii in suurtagalnimada Qatarta argagixiso ay xooggantahay Bariga dhexe iyo Waqooyiga Africa, waxeyna u digtay muwaadiniinta Mareykanka ee dunida u kala safra.

Wasaaradu waxey sheegtay in laga yaabo weerar Alqacida ay ka soo maleegaan Gacanka Carbeed.

War ka soo baxay wasaaradda Arimaha dibadda ayaa intaasi ku daray in al-Qaida iyo ururada ay xulufada yihiin laga yaabo inay weeraro ka geystaan meelo dunida ka mid ah laga bilaabo waqtigan la joogo ilaa iyo dhamaadka bisha August.

Digniintan ayaa ku soo beegmeysa maalin ka dib markii Mareykanka uu sheegay inuu xirayo tira ka mid ah safaaradihiisa iyo Qunsuliyadihiisa dunida oo dhan maalinta Axadda ee soo socota sababo dhinaca amaanka ah.

Harun Macruf ayaa isugu keena soo duway wararka la xiriira digniinta mareykanka.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.