Skip to main content

Posts

Showing posts from July, 2014

Maanso “Waxa Saado loo diley”

Maansadan Waxa Saado loo diley waxay daarran tahay waxyaabaha cad ee keenay in Saado la dilo ha noqoto hantida laga haystay, heesaha waddaniga ah ee ay sida isdaba joogga ah u qaadaysay sannadihii u dambeeyey nolosheeda. Waxa kale oo taa dhinac yaal siday uga go’nayd soo noqoshada dawlad Soomaaliyeed oo midnimo.

War Deg Deg Ah Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo goordhaw lagu dilay Magaalada Muqdisho!

Muqdisho: Allaha u naxariistee waxaa daqiiqado yar kahor magaalada Mudisho lagu dilay Xilhibaanad Saado Cali Warsame oo katirsaneed Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kale aheed fanaanad caan ah oo si weyn looga yaqaanay Dalka iyo Dibada

Qoraagii caanka ahaa C/qaadir Oromo oo Xalay geeriyooday

London { WNK} Waxaa xalay fiidkii ku geeriyooday Magaalada  London naxariistii Janno ALLAHA ka waraabiyee Qoraagii caanka ahaa C/qaadir Cusmaan “C/qaadir Aroma” oo ka mid ah qorayaasha caanka ah ee Soomaaliya, kaddib xanuun muddo dheer hayey.

Amin amir oo sawir cajiiba ka sameeyay Radio Hilaac iyo madaxweyne siilaanyo

waa sawirka Xirsi, Silaanyo, Radio Hilaac iyo waxa kala qabsaday

“Cabdillaahi-Cukuse Goormaa Warfaafinta laga wareejiyey oo Wasiirka Biyaha laga dhigay..” Muwaaddin yaabay - See more at: http://hilaacmedia.com/war/cabdillaahi-cukuse-goormaa-warfaafinta-laga-wareejiyey-oo-wasiirka-biyaha-laga-dhigay-muwaaddin-yaabay/#sthash.QAE0aoY7.dpuf

Hargeysa(NK):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa markii ugu horreysay maanta ka hadlay is-tuhun iyo khilaaf meel adag gaadhay oo toddobaadyadii u dambeeyey ka taagnaa ballaadhinta Biyaha Xaafadaha Degmooyinka Caasimadda Hargeysa ka kooban tahay oo qorsheheeda oo Midawga Yurub taageerayo la wado, kaasoo ay Xaafadaha magaaladu kala shakiyeen, ka dibna khilaaf ka dhex-bilawday. Waxaanay dad badani is-weydiiyeen hadalkan ka dib Wasiir Cukuse goorma ayaa Wasiirka Biyaha loo magacaabay ama Wakaaladda Biyaha. “Markaan arkay isagoo Wasiir Cukuse ka hadlaya arrinta Biyaha Hargeysa ballaadhintooda, waxaan is-weydiiyey Wasiir Cukuse goormaa Warfaafinta laga wareejiyey oo Wasiirka Biyaha Somaliland ama Maareeyaha Biyaha Hargeysa loo magacaabay? Markaa, dhawr qof oo aannu warka wada daawanaynay ayaa I fahansiiyey inuu yahay Wasiirka Warfaafinta oo aan laga wareejin ee uu ka hadlayo khilaafka ka taagan Mashruuca ballaadhinta Biyaha H