Skip to main content

“Cabdillaahi-Cukuse Goormaa Warfaafinta laga wareejiyey oo Wasiirka Biyaha laga dhigay..” Muwaaddin yaabay - See more at: http://hilaacmedia.com/war/cabdillaahi-cukuse-goormaa-warfaafinta-laga-wareejiyey-oo-wasiirka-biyaha-laga-dhigay-muwaaddin-yaabay/#sthash.QAE0aoY7.dpuf

Hargeysa(NK):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa markii ugu horreysay maanta ka hadlay is-tuhun iyo khilaaf meel adag gaadhay oo toddobaadyadii u dambeeyey ka taagnaa ballaadhinta Biyaha Xaafadaha Degmooyinka Caasimadda Hargeysa ka kooban tahay oo qorsheheeda oo Midawga Yurub taageerayo la wado, kaasoo ay Xaafadaha magaaladu kala shakiyeen, ka dibna khilaaf ka dhex-bilawday. Waxaanay dad badani is-weydiiyeen hadalkan ka dib Wasiir Cukuse goorma ayaa Wasiirka Biyaha loo magacaabay ama Wakaaladda Biyaha. “Markaan arkay isagoo Wasiir Cukuse ka hadlaya arrinta Biyaha Hargeysa ballaadhintooda, waxaan is-weydiiyey Wasiir Cukuse goormaa Warfaafinta laga wareejiyey oo Wasiirka Biyaha Somaliland ama Maareeyaha Biyaha Hargeysa loo magacaabay? Markaa, dhawr qof oo aannu warka wada daawanaynay ayaa I fahansiiyey inuu yahay Wasiirka Warfaafinta oo aan laga wareejin ee uu ka hadlayo khilaafka ka taagan Mashruuca ballaadhinta Biyaha Hargeysa.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Caasimadda Hargeysa oo Weriye ka tirsan Hilaacmedia uga sheekeeyey aragtida Maskaxdiisa ku soo dhacday ama ku dhalatay markuu arkay Wasiir Cukuse oo Biyaha iyo Ceelal Xukuumaddu hirgelisay ka hadlaya.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.