Skip to main content

Qoraagii caanka ahaa C/qaadir Oromo oo Xalay geeriyooday

London { WNK} Waxaa xalay fiidkii ku geeriyooday Magaalada Londonnaxariistii Janno ALLAHA ka waraabiyee Qoraagii caanka ahaa C/qaadir Cusmaan “C/qaadir Aroma” oo ka mid ah qorayaasha caanka ah ee Soomaaliya, kaddib xanuun muddo dheer hayey.

C/qaadir Aroma ayaa ka mid ahaa qorayaasha naadirka ah ee si qota dheer oo aan leex-leexad laheyn uga hadlay sababihii keenay Qaran jabkii Soomaaliya ku dhacay, waxaana qoraagi uu ka tegay kutub caan ah oo ay ka mid ahaayeen; Sababihii burburka Soomaaliya, Tiirka Colaada,Hadimadii Gumeysiga, Sooyaalka Taariikhda & Taangiga Tigreega.
Allaha u naxariisto C/qaadir Aroma
Allaha u naxariisto C/qaadir Aroma
C/qaadir ALLAHA u naxasiitee waxaa uu ahaa qoraaga keliya ee Soomaaliyeed ee u bareeray isaga oo Muqdisho aan ka bixin xilligii dagaaladii ugu qaraaraa ay ka soconayeen inuu buugaag ka qoro tacadiyadii & gumaadkii ay Gobolada Koofureed ka geysteen ciidamadii Itoobiya intii u dhexeysay dabayaaqadii 2006-2009 waxaana xilligaasi ay ku beegneyd markii uu soo saaray buugiisii (Taangiga Tigreega).
C/qaadir waxa uu ahaa qoraagii ugu horreeyey ee billowgii dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay horraantii 1991-kii ka digay, isaga oo sheekooyin siyaasadeed taxane ah ku soo bandhigi jiray Wargeyskii Shabelle Press, waxaana sheekooyinkaasi ka mid ahaa Salaamullaahi Calal Xujaaj, Dhagax kariye & beesha 10-kun leey.
ALLAHA u naxariistee, C/qaadir waxaa lagu xusuusan doonaa inuu ummadda Soomaaliyeed kaga tegay dhaxal taariikheed oo uu isagu goob joog u ahaa, waxaana dadka aqoonta u lahaa ay ku tilmaamaan inuu ahaa geesi aan marnaba runta la gamban, shaqsi aan aqoon nin jecleysi & eex; inuu ahaa Waddani dalkiisa & dadkiisa jecel, Farshaxan, Mufikir, Naaxiye, Abwaan, Qoraa, & Macallin intaba, isaga oo dhammaan qoraaladiisa marka aad eegto aad ka dhadhansaneyso inuu soo bandhigay bushigii Soomaaliya ku dhacay ee asaageed ka reebay.
Marxuumka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda lagu aaso magaalada London.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.