Skip to main content

Suldaan saleebaan oo ka mida salaadiinta gobolka awdal ayaa ka hadlay xaalada gobolka sheegayna inay arinta suldaanka iyagu ka danbeeyeen

Boorama { Nuux kadiye  }Suldaan saleebaan cali ismaaciil oo kamida salaadiinta gobolka awdal ayaa shirjaraaid ku qabtay magaalada boorama ayaa waxa uu ka hadlay arinta suldaan wabar .  Waxa uu ka hadlay sedex qodob oo ay ka mid yihiin odayada waayadan camerada ku wareeray ,

Qodobka labaad ee suldaanku ka haldayay ayaa ah madaxweyne ku xigeenka soomaliland , qodobka sadexaad ee uu ka hadlay suldaan saleebaan ayaa ah gadabuursiga . suldaan saleebaan oo ka haldaya odayada ama salaadiinta ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa
{ Wixii dhacayaba inagaa samaynay madaxweynaha ayaynu u tagnay waxa aan ugu tagnay waxa ay ku saabsanayd tabashadii dadka reer awdal saami qaybsi bay ku saabsanayd tabashadiina waxba lagama qaban . 

qodabka labaad ee uu ka hadlay suldaan saleebaan ayaa ahaa madaxweyne ku xigeenka waxaanu yidhi …. madaxweyne ku xigeenku waa nin reer awdal ah awdalna ku dhashay gobolkana wuxuu u yahay madaxweyne ku xigeen hada ka hor ayuu yidhi gobolka taladiisa ha la ii dhaafo waana loo dhaafay siduu doonuu ugu tasarufay , Xalayna waxaan ka maqlaynay qolo heblaayo ninka waashay ha soo qabtaan dee gobolku waa gobolkaagii ee adigu u kaalay oo aad guriga wayn iyo xafiiska wayn aad ku leedahay kolba cid ha u soo dirine kaalay adigu wax ka qabo Arimihiisa 
waajib waxaad ku leedahay inaad wax ka qabato . 

Arinta sadexaad ee uu ka hadlay suldaan saleebaan ayaa ahayd dadweynaha reer awdal waxaanu suldaanku sheegay in dadka reer awdal ay iska daayaan labawajiilaha ee aanay kolba dhinac raacine ama dhanka suldaanka raaca ama dhanka xukuumada ama nabadaadii caanaha yarayd ku noolow ama ama waxan aad arkayso ku dhaqaaq gaal iyo muslim mid uun baa la noqdaa reer awdalna intaasaan leeyahay ayuu yidhi suldaan saleebaan isku soo wada duuboo hadalka suldaan saleebaan ayaa imanaya xili xaalada gobolka awdal ay tahay mid xasasiya oo maalmihii ugu danbaysay ciidamo lagu soo daabulayay taasina ay sas ka qaadeen dadweynaha gobolka awdal maamulka iyo xukuumada soomaliland waxay sheegeen inay ciidamadaasi looo baahnaa oo ay nabad galyada ilaalinayaan 

Nuux kadiye 
wariye madaxbanaan 

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Faadumo Qasiim Hilowle - Nabi amaan qasaaid Ila Daawo