Skip to main content

Posts

Showing posts from February, 2017

Shacabka Ree Awdal garoon diyaaradeed ma yeelan doonaanmise Madaarka Hargeysa ayay adeegsan doonaan?

Kadiye Media :Madaar ama Garoon diyaaradeed ayaa ah mid lagama maarmaan u ah bulsho kasta oo dacalada dunida ku kala firiqsan iyadoona madaarku uu sahlayo waxyaabo kala duwan oo lagama maarmaan u ah bulsha kasta Deegaano farabadan oo ku yaala dhulka soomaaliyeed ayaa ah kuwo leh garoomo diyaaradeed waxna laga dhoofiyo lagalana soo dagi karo dadkana u sahlaya inay si fudud ugu safraan kuna tagaan halka ay rabaan Dulucda faaladan koobani ayaa ah mid salka ku haysa su,aalo dhawra oo ay is waydiinayaan shacabka ku dhaqan gobolada Awdal iyo salal su,aashaasina waxa ay tahay Shacabka Ree Awdal garoon diyaaradeed ma yeelan doonaan mise Madaarka Hargeysa ayay adeegsan doonaan? Hadaba Magaalada boorama ee xarunta gobolka Awdal waxa ku yaala madaar ama garoon diyaaradeed oo lagu magacaabo Aden isaaq Axmed wuxuuna garoonkaasi ku yaalaa meel ka baxsan magaalada gudeheega mudo 10 sano ka hor waxa uu madaarkaasi ahaa mid si caadiya u shaqayn jiray bulshaduna kala soo degi jireen badeeca

Dhulka danta Guud oo Ganacsato laga iibiyaa ama Dawladuba dhisto saw Bulshada Faaido usoo kordhin mayso ?

Kadiye Media Waxa jira boqolaal dhul dan guud oo ay dawladu maamusho amase gacanteeda ku jira kuwaasi oo ah hanti qaran oo ma guurto ah mustaqbalkana hadii loo baahdo laga dhisi karo Xarumo waxbarasho, Caafimaad, wershado ama sidoo kale xarumo dawladu leedahay Hadaba waxa jira  dhul danguud oo dawladu maamusho masuulna ka tahay kuwaasoo 20sano ahaa meelo banaan dawladuna awoodi wayday inay dhisto kuwaasoo markii danbe laga iibiyay ganacsato ama maaql qabeeno caana kuna soo kordhiyay waxqabad bulshada iyo dalkuba ay ka manaafacaysteen dhulkaasi la iibiyay waxa uu horseeday bilic , shaqo abuur dadkuna ay mahadiyeen maxaa yeelay ganacsatadu ama maal qabeenadu waa kuwa ka qayb qaadan karo dhismaha iyo horumarka dalka maadaama ay bulshada kusoo kordhinayaan ganacsiyo iyo waxyaabo kale Fikir ahaan waxa ay ila tahay in dhulka danta guud laga iibiyo Ganacsatada ama shaqsiyaadka kale si ay goobahaa la iibiyay u qurxiyaan uguna soo kordhiyaan wax bulshada iyo dalkaba manfac u leh waa ha

Xadhiga Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon Muxuu Salka ku Hayaa ?

Kadiye Media- --Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo kamida Wariyayaasha caanka ka ah Geyiga soomaalidu Degto islamarkaana ka soo Jeeda Gobolka Togdheer caasimadiisa Burco ayaa waxa maanta xadhig loogu geystay Magaalada Hargeysa kadib markii uu safar ku tagay magaalada Muqdisho Hadaba cabdimaalik sheekh Muuse Coldoon ayaa waxa uu caan ku yahay u samafalka dadka danyarta ah iyo kuwooga dhibaatadu haysto ayaa waxa uu xadhigiisa salka ku hayaa kadib markii uu dhawaan ka dagay magaalada Muqdisho isaga oo taageero u muujiyay madaxweynaha Cusub ee soomaaliya maxamed cabdilaahi farmaanjo taageeradaasi ayaa noqotay mid uu kusoo bandhigayay baraha bulshada isaga oo markastana soo gudbinayay xaaladihii ugu danbeeyay ee doorashada soomaaliya iyo taageerada uu u hayay madaxweyne farmaanjo cabdimaalik coldoon ayaa markii uu guuleystay madaxweyne farmaanjo dareenkiisa ku cabiray inuu magaalada muqdisho kaga qayb galo dabaaldagyada iyo farxadii ka dhalatay guushii uu Madaxweynaha cusub ee soo