Skip to main content

Dhulka danta Guud oo Ganacsato laga iibiyaa ama Dawladuba dhisto saw Bulshada Faaido usoo kordhin mayso ?

Kadiye Media Waxa jira boqolaal dhul dan guud oo ay dawladu maamusho amase gacanteeda ku jira kuwaasi oo ah hanti qaran oo ma guurto ah mustaqbalkana hadii loo baahdo laga dhisi karo Xarumo waxbarasho, Caafimaad, wershado ama sidoo kale xarumo dawladu leedahay



Hadaba waxa jira  dhul danguud oo dawladu maamusho masuulna ka tahay kuwaasoo 20sano ahaa meelo banaan dawladuna awoodi wayday inay dhisto kuwaasoo markii danbe laga iibiyay ganacsato ama maaql qabeeno caana kuna soo kordhiyay waxqabad bulshada iyo dalkuba ay ka manaafacaysteen dhulkaasi la iibiyay waxa uu horseeday bilic , shaqo abuur dadkuna ay mahadiyeen maxaa yeelay ganacsatadu ama maal qabeenadu waa kuwa ka qayb qaadan karo dhismaha iyo horumarka dalka maadaama ay bulshada kusoo kordhinayaan ganacsiyo iyo waxyaabo kale

Fikir ahaan waxa ay ila tahay in dhulka danta guud laga iibiyo Ganacsatada ama shaqsiyaadka kale si ay goobahaa la iibiyay u qurxiyaan uguna soo kordhiyaan wax bulshada iyo dalkaba manfac u leh waa hadii ay dawladu awoodi waydo inay dhisto

Dabcan dawladana waxa looga baahan yahay inay dhulalka danta guud ee banaan inay ka dhisaaan goobo waxbarasho , caafimaad ama xarumo dawladeed oo dadka loogu shaqeeyo waa hadii ay awood u leedahaye hadii taasina ay ka maarsami waydo laga iibiyo ganacsatada si goobahaasi u noqdaan kuwo dadka iyo dalkuba manfac uu ka helo

isku soo wada xoori muhiimadu waxa ay tahay in bulshadu ay noqoto dad markastaba u janjeedha xaga Hourmarka iyo wax wada qabsiga si looga fogaado caadifada iyo dib u socodka markastana lala shaqeeyo dawlada iyo dhamaan maamulkaba

iyada oo laga fogaanayo shaqsiyaadka ka soo horjeeda horu socodka iyo horumarka magaalada, degmada iyo dalkaba

Wariye Nuux kadiye
Borama

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.