Skip to main content

Xadhiga Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon Muxuu Salka ku Hayaa ?

Kadiye Media---Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo kamida Wariyayaasha caanka ka ah Geyiga soomaalidu Degto islamarkaana ka soo Jeeda Gobolka Togdheer caasimadiisa Burco ayaa waxa maanta xadhig loogu geystay Magaalada Hargeysa kadib markii uu safar ku tagay magaalada Muqdisho

Hadaba cabdimaalik sheekh Muuse Coldoon ayaa waxa uu caan ku yahay u samafalka dadka danyarta ah iyo kuwooga dhibaatadu haysto ayaa waxa uu xadhigiisa salka ku hayaa kadib markii uu dhawaan ka dagay magaalada Muqdisho isaga oo taageero u muujiyay madaxweynaha Cusub ee soomaaliya maxamed cabdilaahi farmaanjo taageeradaasi ayaa noqotay mid uu kusoo bandhigayay baraha bulshada isaga oo markastana soo gudbinayay xaaladihii ugu danbeeyay ee doorashada soomaaliya iyo taageerada uu u hayay madaxweyne farmaanjo cabdimaalik coldoon ayaa markii uu guuleystay madaxweyne farmaanjo dareenkiisa ku cabiray inuu magaalada muqdisho kaga qayb galo dabaaldagyada iyo farxadii ka dhalatay guushii uu Madaxweynaha cusub ee soomaliya ka gaadhay doorashooyinkii dalkaasi ka dhacay 8dii Febraury ee ina dhaaftay



Hadaba sida lawada Ogsoon yahay Cabdimaalik sheekh muuse Coldoon ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanada soomaliland waxaana ay arintani salka ku haysaa siyaasada qalafsan ee ka jirta somaliland iyo Somalia in loo aanaynayo xadhiga wariye Coldoon maadaama soomaliland ay sheegtay inaanay kamid ahayn somalia waxbana aanay wadaagin

isku soo wada duuboo waxa laga warsugayaa halka ay ku danbayso xadhiga lagula kacay Wariye Cabdimaalik sheekh Muuse Coldoon hase ahaatee wariyahani waxa uu noqonayaa wariyaha 3aad ee guud ahaan soomaliland ku xidhan Bishan Gudaheega

Nuux Kadiye
Magaalada Borama

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam