Skip to main content

Shacabka Ree Awdal garoon diyaaradeed ma yeelan doonaanmise Madaarka Hargeysa ayay adeegsan doonaan?

Kadiye Media:Madaar ama Garoon diyaaradeed ayaa ah mid lagama maarmaan u ah bulsho kasta oo dacalada dunida ku kala firiqsan iyadoona madaarku uu sahlayo waxyaabo kala duwan oo lagama maarmaan u ah bulsha kasta
Deegaano farabadan oo ku yaala dhulka soomaaliyeed ayaa ah kuwo leh garoomo diyaaradeed waxna laga dhoofiyo lagalana soo dagi karo dadkana u sahlaya inay si fudud ugu safraan kuna tagaan halka ay rabaan

Dulucda faaladan koobani ayaa ah mid salka ku haysa su,aalo dhawra oo ay is waydiinayaan shacabka ku dhaqan gobolada Awdal iyo salal su,aashaasina waxa ay tahay

Shacabka Ree Awdal garoon diyaaradeed ma yeelan doonaan mise Madaarka Hargeysa ayay adeegsan doonaan?




Hadaba Magaalada boorama ee xarunta gobolka Awdal waxa ku yaala madaar ama garoon diyaaradeed oo lagu magacaabo Aden isaaq Axmed wuxuuna garoonkaasi ku yaalaa meel ka baxsan magaalada gudeheega mudo 10 sano ka hor waxa uu madaarkaasi ahaa mid si caadiya u shaqayn jiray bulshaduna kala soo degi jireen badeecadaha kala duwan iyadoo dadkuna ay ka dhoofi jireen wuxuuna madaarkaasi ahaa mid wax wayn ka taray baahi markaasi taalay mudadaa 10ka sano ka hor haatanse Madaarkaasi waa xidhan yahay xafiisyadii iyo goobihii lagu shaqaynayay waxa ay noqdeen kuwo uu soo gaadhay burbur xoogani cidna dan kama galin in bal la dayactiro ama dib u habayn lagu sameeyo maadaama aanu shaqaynaynin madaarku cidina dan iyo lexejeclo kama galin mudadaa uu garoonkaasi xidhan yahay waxaana uu noqday meelo xoolihi daaqaan , Arinta ugu darani ayaa noqotay inaanu garoonka diyaaradaha ee borama lahayn xuduud sugan oo calaamadaysan taasina waxa ay markastaba keentay is qabqabsi iyo murano soo kala dhex gala masuuliyiinta dawlada iyo dadka halkaasi deegaanka ku ah kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan kala kulma hadba maamulka markaasi jooga oo marba marka ka danbaysa xuduudo cusub iska magacaabaya

Hase yeeshee cidi dan sidaa u buuran kama gasho madaarkaasi dayactirkiisa iyo ilaalintiisaba maadaama haatan la sameeyay Wado isku xidha Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama wadadaasi ayaa ah ku dhawaad 120 Km oo waliba laami ah dadkuna aanay dhibaato kala kulmin inta ay wadadaasi ku jiraan ama ku safrayaan , Dabcan way jirtay mar wadadaasi dhibaatooyin lagala kulmi jiray iyadoo ahaan jirtay wado raf ah oo silic iyo saxariir dadku ku mari jireen kuna qaadan jirtay saacado badan ilaa ay ka gaadhayaan magaalada Hargeysa taasina waa laga baxay oo maantana 1 saac ayaad hargeysa ku tagaysaan waxaanay arintaasi Fududeysay damac shacabka ree Awdal gali lahaa kaasi oo ku aadanaa in mar uun ay madaarkaasi dhisan karaan ka duuli karaan waxna kala soo dagi karaan hadaba wadadaasi Hargeysa iyo Borama u dhexaysaa waxay meesha ka saartay damac bulsho oo ku aadan inay Madaar yeeshaan

Hase ahaatee Madaarka boorama lama wada odhan karo sanado diyaaradi kama soo degin marmar dhif iyo naadir ah ayaa meydka laga soo dajiyaa

Marka arintani la isku soo wada xooriyo dhinac marka la eego gobolka Awdal malahan meelo uu dhaqaale buurani kasoo galo taasina waata keentay in shaqa la,aanta iyo dhaqaala xumadu ragaadisay magaalada boorama oo caasimad  u ah gobolka awdal . Lacala hadii Magaaladu lahaan lahayd madaar ama garoon diyaaradeed waxay noqon lahayd magaalo dhankastaba horumar ka gaadhi karta xag ganacsi kobac dhaqaale iyo horumar balaadhan

Shacabka ree Awdal waxa ay haatan ila tahay inaanay maskaxdoodu ku jirin  marnaba inay madaarkaasi ka shaqaysiiyaan iyaga oo u adeegsanaya duulimaadyada kala duwan iyo kala soo dagida badeecadaha muhiimka ah taasina waxa ugu wacan Madaarka hargeysa ayaa laga doorbiday intii kani boorama la dhisan lahaa Qofka dhoofaya ka dalka kusoo laabanaya ka xajka tagaya intuba waxa ay adeegsadaan Madaarka hargeysa ugana fududaaday Booramana mustaqbalka lagama yaabo inay madaar yeelato waaba hadii ay shacabkoogu dareemaan faaidada madaar ama garoon diyaaradeed bulshada u leeyahay '

Isku soo wada duubo shacabka ree awdal waxa aan ugu baaqi lahaa inay il gaara ku eegaan Garoonka ama madaarka aadan isaaq axmed kana fikiraan aayahooga iyo Mustaqbalkooga danbe kana fikiraan faaidada ku jirta in garoon diyaaradeed la helo

Nuux Kadiye
Email. Wariyenuuxkadiye@gmail.com
Tellphone: 0633258000

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Labo ka mid ah isbitaalada ugu waawayn marinka Gaza oo shaqo joojin sameeyay

 Laba ka mid ah isbitaaladii ugu waawaynaa Marinka GAZA ayaa joojiyay hawlihii caafimaad ee ay u qabanayeen bukaanada ku soo dhaawacmay duqeymaha halkaasi ka socda  Labadii isbitaal ee ugu weynaa Gaza ayaa joojiyay inay qaabilaan bukaanno cusub sababo la xiriira duqeymaha ka dhanka ah Israel iyo daawo yaraanta ay weheliso Gabaabsiga shidaalka, iyadoo la sheegayo inay Korortay dhimashada bukaanada iyo shaqaalaha caafimaadka. Al-Shifa iyo Al-Quds, oo ah isbitaallada ugu waaweyn Gaza, ayaa sheegay inay gabi ahaanba Hakiyeen hawlihii shaqo ee Gargaarka iyo daawaynta bukaanada  Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa tilmaamay in qaar kamida shaqaalihii caafimaadka isbitaaladaasi la dilay  inkastoo hayada caafimaadka aduunka ay ka digayso kororka dhimashada bukaanada kuna baaqday in si deg deg ah loo sameeyo Xabad Joojin .

Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Qore Rabiile Xaaji Abiib

  Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Magaca Gadabuursi, waxa inta badan la yidhaa waa naanaysta "Ilma Siciid", sida aan ka akhriyay Buugga taariikhda Gadabuursiga ee uu qoray Cabdiraxmaan Qaadi (AHUN). Qoomiyada Oromadu waxa ay leeyihiin fasiraad dheer oo qodobkan la xidhiidha. magaca Gadabuursi waxa ay si toos ah u la xidhiidhiyaan nidaamka maamul ee dhaqanka Oromada (Gada System). Waa nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku soo doortaan Gandaha Dhaqan oo ah xeerbeegtida bulshada oo uu madax ka yahay (Abaa-gadhe), golaha Difaaca oo ah hogaanka ciiidanka oo u madax ka yahay (Abaan-Duulle) iyo Golaha Sahanka iyo Xidigiska oo madax ka yahay (AbĂ an waare). Nidaamkan GADA ayay ku tilmaamaan in uu ahaa nidaam gadabuursiga la gu majeeran jiray, magaca Gadabuursi na uu kala jabo laba qaybood oo kala ah Gada oo ah "Nidaam" iyo "Biirsi" oo ah hadhaadigii. Macnuhu waa hadhaagii Nidaamka. Siday ku timid? Inkasta oo aanay dhacdadani si cad u gu dhignayn Buugga furash