Skip to main content

Posts

Showing posts from April, 2022

Dawlada Maraykanka ayaa Cunaqabatayn Cusub kusoo rogtay dalka Ruushka iyo Gabadh Putin uu dhalay oo ka mid ah kuwa la cunaqabateeyay

 Borama Cable - Dawlada Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay Gabadh uu dhalay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin  Sidoo kale Liiska waxaa sidoo kale ku jira qoyska wasiirka arrimaha dibadda Sergei Lavrov iyo bangiyada waaweyn ee dalkaasi  Tallaabooyinkan ayaa daba socda muuqaal cusub oo muujinaya gabood-fallo ay ciidamada Ruushku ka geysteen Ukraine, oo ay ku jiraan sawirrada maydadka dad rayid ah oo daadsan waddooyinka Bucha, oo u dhow caasimadda Kyiv. Ruushka ayaa sheegay, in sawiradu yihiin kuwo aan cadayn oo ay sameeyeen saraakiisha ciidamada Kiav  In kasta oo sawirada dayax-gacmeedku ay muujinayaan in dadka rayidka ah la dilay markii Ruushku ay maamulayeen Bucha, Balse Mr Putin ayaa arintaasi ku tilmaamay  "daandaansi naxariis darro ah oo ay sameeyeen  maamulka Kyiv". Isagoo tixraacaya dilkii Bucha, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu yiri Arbacadii: "Ma jiraan wax ka yar oo dhacaya marka loo eego dembiyada dagaal ee waaweyn." Waa ayo gabdhaha uu dha

Madaxweynihii Hore ee Dalka Burkiino Faaso ayaa lagu xukumay Xabsi Daain Kadib markii lagu Helay inuu Khaarijiyay Madaxweynihii ka horeeyay Thomas Sankara

 Boorama Cable - Maxkamad ku taalla dalka Burkina Faso ayaa xukun xabsi daa’in ah ku xukuntay madaxweynihii hore ee dalkaas Blaise Compaore, kaddib markii lagu helay inuu dilay hoggaamiyihii ka horreeyay ee Thomas Sankara.

Ma laga yaabaa in Ruushku Hubkan u Adeegsado Dagaalka Ukraine ?

Boorama Cable -  Iyadoo Ruushku uu ku qulqulayo goobaha dagaalka ee Ukraine, suurtogalnimada Ruushku qarka u saaran yahay isticmaalka hubka nukliyeerka ayaa hadda kor u kacaya, Taasina sababteedu waxa ay tahay in  madaxweyne Vladimir Putin u muuqdo mid aan Guul ka soo hoyn Weerarka uu Ukraine ku qaaday .

Ka Qayb qaado Affurinta Qoysaska Danyarta ah ee Magaalada Boorama inta lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan

 Walaalayaal Waxaynu ku jirnaa Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan Waa bishii Kheyrka waa bishii Sadaqada Waa bishii Danbi dhaafka Markaa walaalayaal waxa jira Qoysas danyara oo sanad walba ku affurino magaalada Boorama anaga oo u iibina Raashinka noocyadiisa kala duwan , Qoysaskaasina ay yihiin danyar aan haysan wixii ay ku affuri lahaayeen . Walaalayaal waxa muhiima inaad nagala qayb qaadataan Affurinta Qoysaskaasi danyarta ah Qof walba wixii uu awoodo hakaga qayb qaato samafalkaasi kheyriga ah Zaad +252633258000 Edahab +252659077200 https://youtu.be/LWq_L43FIIU

Wasiirkii Hore ee Maaliyada Somaliland ayaa soo Bandhigay Xog ururin ku saabsan khasaaraha dhabta ee uu sababay dabkii baabiiyay xuduntii Ganacsiga Hargeysa

 Wasiirkii Hore ee Maaliyada Somaliland ayaa soo Bandhigay Xog ururin ku saabsan khasaaraha dhabta ee uu sababay dabkii baabiiyay xuduntii Ganacsiga Hargeysa