Skip to main content

Madaxweynihii Hore ee Dalka Burkiino Faaso ayaa lagu xukumay Xabsi Daain Kadib markii lagu Helay inuu Khaarijiyay Madaxweynihii ka horeeyay Thomas Sankara

 Boorama Cable - Maxkamad ku taalla dalka Burkina Faso ayaa xukun xabsi daa’in ah ku xukuntay madaxweynihii hore ee dalkaas Blaise Compaore, kaddib markii lagu helay inuu dilay hoggaamiyihii ka horreeyay ee Thomas Sankara.



Xukunka oo si weyn loo sugayey ayaa soo afjaray mudo lix bilood oo dacwad ah oo ku saabsan dilkii Sankara, kaasoo lagu dilay afgambi uu hoggaaminayey saaxiibkii  Compaoré 15-kii October, 1987-kii.


Dacwad oogayaasha militariga Burkina Faso  ayaa codsaday 30 sano oo xarig ah in lagu fuliyo Compaore, kaasoo lala maxkamadeeyay 13 kale.


Sidoo kale labo eedeysane oo kale ayaa lagu xukumay xabsi daa’in. Waxay yihiin Gilbert Diendéré, mid ka mid ah hogaamiyaasha 1987 putsch iyo hogaamiyaha afgambiga 2015, iyo sidoo kale Hyacinthe Kafando, hogaamiyaha ilaalada Compaoré wakhtigaas.


Compaore, ayaa  2014-kii, u qaxay dalka ay jaarka yihiin ee Ivory Coast kadib markii kacdoon xilk lagaga tuuray halkaasna oo uu ka qaatay dhalashada dalkaasi Ivory Coast. .

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee kiiskan guddoomineysay ayaa ku xukuntay xabsi u dhaxeeya saddex illaa 20 sano ilaa 8 eedeysane halka saddex kale oo eedeysanayaal ah lagu sii daayay.


Hogaamiyihii Pan-African-ka ee xukunka qabtay 1983-kii, Sankara waxaa lagu dilay 37 jir isaga iyo 12 sarkaal oo kale oo dowladda ah. Compaoré waxa uu noqday ku-xigeenkiisa, isaga oo xukumayay ilaa 2014 xilka laga qaaday.


Xukunka Maanta oo Arbaco ah la fuliyay ayaa noqonaya  talaabo Guul ah  oo ku saabsan kiiska Dilka Madaxweyne hore  Sankara  taasoo shacabka dalka gudihiisa iyo dibadiisaba si wayn u sugayeen


Xataa geeridiisii ​​35 sano ka hor, Sankara waxa uu caan ka ahaa Galbeedka Afrika oo dhan, dib u habayntiisii ​​iyo khudbadihii hantiwadaaga. Maanta, weli dadka qaarkiis waxay u yaqaanaan "African Che Guevara", isaga oo tixraacaya kacaankii Marxist iyo mid ka mid ah astaamaha Kacaanka Kuuba.


Intii uu madaxweynaha ahaa, waxa uu sidoo kale si gaar ah u baddalay magacii gumaystihii hore ee Faransiiska ee Upper Volta una beddelay Burkina Faso, oo macnaheedu yahay "Dhulka kuwa qumman".


Xigasho Aljazeera 

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g