Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo?
Magaca Gadabuursi, waxa inta badan la yidhaa waa naanaysta "Ilma Siciid", sida aan ka akhriyay Buugga taariikhda Gadabuursiga ee uu qoray Cabdiraxmaan Qaadi (AHUN). Qoomiyada Oromadu waxa ay leeyihiin fasiraad dheer oo qodobkan la xidhiidha. magaca Gadabuursi waxa ay si toos ah u la xidhiidhiyaan nidaamka maamul ee dhaqanka Oromada (Gada System). Waa nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku soo doortaan Gandaha Dhaqan oo ah xeerbeegtida bulshada oo uu madax ka yahay (Abaa-gadhe), golaha Difaaca oo ah hogaanka ciiidanka oo u madax ka yahay (Abaan-Duulle) iyo Golaha Sahanka iyo Xidigiska oo madax ka yahay (Abà an waare). Nidaamkan GADA ayay ku tilmaamaan in uu ahaa nidaam gadabuursiga la gu majeeran jiray, magaca Gadabuursi na uu kala jabo laba qaybood oo kala ah Gada oo ah "Nidaam" iyo "Biirsi" oo ah hadhaadigii. Macnuhu waa hadhaagii Nidaamka. Siday ku timid?
Inkasta oo aanay dhacdadani si cad u gu dhignayn Buugga furashada Xabashida (Futuuxul Xabash) oo yaalla madxafka ku yaal magaalada Herer, haddana Oromadu waxa ay daliishanayaan in uu nidaamkii maamuul ee gadabuursiga ay Abasiiniyanka si xun u baaba'sheen, kadibna uu nidaamkii maamul u kala jabay laba qaybood oo kala ah hadhadigii maamulka (Gadabuursi) oo u qaxay dhulka Harargee iyo Firxadkii Maamulka (Gadafur ) oo iyaguna u qaxay dhankaa iyo badda cas kuna milmay Saaxada degta Ereteriya sida la gu xusay buugga la yidhaa Saaxada Ereteriya ( Saha of Ereteria). Gadafurku waxa uu u badnaa reeraha ay ka midka yihiin "Abraynku" iyo kuwo kale oo xiligaa ahaa Abaandulaha nidaamka. Qabiilka Gadafurku waxa ay si dhab ah u rumaysanyihiin tariikhdan, waana dood kale oo xoojinaysa daliilka Oromada.
Dhamaadkii Sagaashameeyadii, ayaan la sheekaystay Faadumo Miimi oo ah haweenayda kaliya ee soomaliyeed ee la gu xusay buugga la yidhaa hadhkii Madoobaa (Black Shadow) oo si faahfaahsan u ga hadlayay nidaamkii Xayle Salaase oo ka mid ahaa boqortooyadii xabashida ee loo yaqaanay tafiirta sulaymaaniyada (Solomanic Dynesty) oo ay Faadumo laf ahaanteedu qayb ka ahayd. Hayb ahaan Faadumo waa Jibriil Yoonis gaar ahaan (Reer Dharaar Yoonis). Faadumo waxa ay ii sheegtay daliil la mid ah ka Oromada oo ahaa, in boqortooyada ay ka midka ahayd u gu yeedhi jireen reeraha Soomaliyeed tilmaamo la gu yaqaano, sida magaca qabiilka Gurgure oo ah Naanays ku raacday ganacsiga tafaariiqda oo ay caan ku ahaayeen, gadabuursigana la gu tilmaami jiray nidaamka maamul ee ahaa " Dhariga iyo Saddexdiisa dhadhaar" oo iyaguna caan ku ahà ayeen. Daliilkani na waa mid kale oo xoojinaya dooda Oromadu ay qabaan.
Aan soo koobo qoraalka, maadaama taariikhda iyo juqraafigu ay waxa badan ka badalayaan khariirada maanta ee la yaqaan, waxa iska cad in maalin maalmaha ka mid ah ay Oromadu ay adeegsan doonaan daliilahan iyaga oo raba in ay gaadhaan badda cas iyo gacanka Cadmeed.
Hadii u jiro qof daliil kale hayaa qaybta komentiga ha i gu la wadaago.
Comments
Post a Comment
Fadlan Fikirkaaga ka dhiibo hadii aad ku xidhan tahay wararka iyo macluumaadka aanu halkan idinkula wadaagno noona reeb wixii talo iyo tusaale ah