Skip to main content

Siyaasigii ugu saamaynta badnaa waayahan Somaliland ay Jirto oo Wasiir looga Magacaabay Xukuumada Muuse biixi

Siyaasigii ugu saamaynta badnaa waayahan Somaliland ay Jirto oo Wasiir looga Magacaabay Xukuumada Muuse biixi 


Abdinasir Muhumed Hassan Buuni Waa siyaasi Qunyar socod ah kaasi oo la soo dabaashay Marxalado siyaasadeed oo kolba dhinac isku rogayay Mar uu Mucaarad ahaa iyo Hada oo uu ka mid yahay Bahda Xukuumada Somaliland Kuwooga aadka isha loogu hayo Marka ay taagan tahay ka hadalka dhanka Warbaahinta 


Abdinasir Buuni oo Markii u danbeysay ahaa Afhayeenka Xisbiga Talada haya ee Kulmiye ayaa magacaabistiisu waxa ay sabab u ahayd inuu markiiba caan ka noqdo deegaanada somaliland iyo guud ahaanba marxalada siyaasadeed ee isbadbadalka badnayd 



Difaacida Xukuumada Somaliland ayuu hadh iyo habeenba u taagnaa waxayna arintaasi meesha ka saartay in Gabi ahaanba dhaliisha xisbiyada Mucaaradka Somaliland iyagoona Ninkaasi ku tilmaameen inuu ku yahay Laf dhuun gashay oo meel loo dhaafi karaaba jirin Xaalku waxa uu Gaadhay Buuni iyo Mucaaradka inay iskugu soo hadhaan Fagaaraha ka hadalka Marxaladaha siyaasadeed ee dalku ku jiro 

 Mudadii uu Buuni afhayeenka ahaa waxa kusoo beegantay xiliyadii ugu qadhaadhaa ee ay somaliland wajahdo jahawareer siyaasadeed oo aad u xoogan hase ahaatee Joogitaanka Buuni waxa ay sabab u noqotay in xukuumada somaliland iska dabooshay culeyskii Mucaaradeed ee kaga iman lahaa xisbiyada Qaranka Maadama Abdinasir Arimahaasi kaligii kaga filnaa 

Waxa uu isku hayay laba xil midi waxa uu ahaa Afhayeenka xisbiga Kulmiye halka xilka kalena uu ahaa afhayeenka xukuumada Somaliland 

Isku soo wada duuboo Mr Buuni ayaa maanta waxa loo Magacaabay Wasiirka wasaarada xidhiidha goleyaasha iyo Dastuurka Somaliland kadib wareegto lagu baahiyay xafiiska afhayeenka xukuumada Muuse biixi ee barta Facebook 

Wasiiradii Cusbaa iyo kuwii isbadalka lagu sameeyayba waxa ka hadalhayn batay magacaabista Abdinasir Buuni oo dhalisay in sawiradiisu dhex wareegaan baraha bulshada 

waxaana la odhan karaa waa siyaasigii ugu saamaynta badnaa waayahan ay Somaliland jirto buuni waxa uu heerkan kusoo gaadhay dadaal iyo adkaysi fara badan dulqaadkuna waa u dheeraa gaadhida himiladiisa siyaasadeed

Buuni waxa uu u muuqdaa shaqli leh Mustaqbal siyaasadeed oo aad u ifaya 

Nuux Kadiye ayaa Qoray 

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g