Wararka ka imanaya Magaalada Xeebta ku taala ee Saylac ayaa sheegaya in xubnaha Golaha deegaanka Magaaladaasi ay maanta si Wadajir ah u doorteen Maayar Cusub oo Hogaan u noqon doona Degmada Saylac
Waxaana ay Xildhibaanadu Cod Aqlabiyad ah Xilkii uga qaadeen Maayarkii Hore ee Magaaladaasi Yusuf Cawaale Dahir kadib markii khilaaf iyo Muran badani Hadheeyay Golaha deegaanka Saylac
Maayarka Cusub ee la doortay ayaa lagu Magacaabaa Mahmuod Wacays kaasi oo si rasmi ah Maanta xilkaasi ula wareegay Munaasabad ka dhacday Dawlada Hoose ee Degmada Saylac
Arintani ayaa waxa ay kusoo beegmaysaa xili dhawaan Badhasaabada Gobolada Somaliland kulan kula yeesheen Magaalada Hargeisa wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland kulankaasina ujeedkiisu ahaa sidii loo fasixi lahaa Mooshinada iyo kalfadhiyada ka dhanka ah Maayarka magaalooyinka waawayn taasi oo ay hore u hakisay xukuumada somaliland ,
Balse arinta ka dhacday magaalada saylac waxa ay bar bilaw u noqonaysaa duufaanta isbadal doonka maayarada magaalooyinka somaliland oo qaarkood ay ka jiraan khilaafyo kala duwan
Maayarka Cusub ee loo doortay Golaha deegaanka saylac Mr Wacays
Comments
Post a Comment
Fadlan Fikirkaaga ka dhiibo hadii aad ku xidhan tahay wararka iyo macluumaadka aanu halkan idinkula wadaagno noona reeb wixii talo iyo tusaale ah