Skip to main content

Mashruuca la gu garab taagnaa Khaatumo ee looga boodayay Awdal State Xildhibaan Rabiile Xaaji Abiib ayaa Qoray

 Indhaha iyo Dhagaha Fur!

Waxa jiray masuuliyiin Dhaqan, Culimo iyo Siyaasi ba lahaa, kuwaas oo halgankii dhulbahante intii u socday taageero la barbarjoogay. Raggaasi waxa ka mid ahaa Boqor Buurmadow, Xil Khaliif, Jaamac Shabeel, Barkhad Batuun iyo kuwo kale. ma qarsan jirin kama na gaban jirin badheedhahooda. Ayaandarro, dhamaan intaa kor ku xusan, waxa ay sida fiinta hal mar u ga qayliyeen, hadalkii Ugaaska guud ee Gadabuursi Ugaas Cabdirashiid iyo Garaad jaamac Garaad Cali. Maxay tahay sabobtu? Ma Khaatumo ayaa Awdal State ka xaq leh? Ma Garaadada Dhulbahante ayaa ka karaamo badan Ugaaska Gadabuursi? Hadalka Kujare ba waan isweydiinaa maxaa qodobka la isku weydiin waayay?
Hadalka uu caawa ku hadlay Boqor Bùurmadow ayaa daaha ka faydaya mashruuca la gu garab taagnaa Khaatumo ee looga boodayay Awdal State. Waa mashruuc dowladdo shisheeye daaha gadaashiisa ka hagayaan, waa mashruuc dhaqaale, waa mashruuc ay ku midaysanyiin beelaha kala ah "Ogaadeen, Gadhxajis iyo Dhulbahante", waa mashruuc meel isagu gaynaya bologyada shidaalka. Reerka Habarjeclo waxa ka ga jira Boqor Buurmadow oo dilaal ka ah mashruucan iyo kooxo wadaado u badan oo aragtida ay qabaan ay raacisay dalalka mashruuca maalgalinaya, kooxdan danbe waa kuwa soo abaabulay xeerka Isa-saarka labada doorasho.



Mashruucan oo waafaqsan siyaasadda dalalkani aaminsanyihiin, oo ah dal soomaaliyeed oo kaliya (One Somali Policy) , hirgalintiisa waxaa xudun u ah guusha doorashada Madaxtooyada. Haddii doorashada la gu guulaysto waxa la qaadayaa go'aamo horseedi kara dagaal ay qayb ka yihiin dalal shisheeye, haddii, la gu guuldaraystana waxa la israacinayaa "Sool, Sanaag iyo Buuhoodle". Boqor Buurmadow sabobta uu u aflagaadaynayo Garaad Jaamac ayaa ah, in Garaad Jaamac uu wato mashruuc u gaar ah " Dhulbahante" Ugaaska na aragtidaasi ay is-raacisay. Da'yarta Awdal, intooda badan aad u ga ma warqabaan arrimaha socda, waxa se, maanta la gudboon in ay garabjoogsadaan Prof Samatar oo Mawduucan si gundheer leh u la socda. Maanta waxa dadka isku xidhiyaa waa "Dan" ee ma aha qabiil.taa ha la ogaado. "Common sense must prevail".

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g