Waxaan ku hambalyeynayaa saaxiibkay Wasiir Hore Cabdi Cismaan in muddo gaaban oo uu xilka wasiirnimo hayey kaga korodhsaday reer Awdal sharaf iyo karaamo aan xadkeeda iyo dhakhsahaas oo kale hore loogu arag. Inkastoo in badani fahmi waayi karto, haddana waxaan kuu qirayaa in aad muujisay lexejeclada Soomaalilaan iyo ta Awdalba iyadoo weliba xilligu adkaa lana suuraysanayey in kursiga lagu waayi karo. “Gobee liicoo ha jabin!”
Reer Awdal badan maanta waxay la yaaban yihiin isku shaandhaynta Madaxweynuhu sameeyey. Anigu ku mashquuli maayo taas. Mid baa ka horraysa ay tahay reer Awdal inay garawsadaan: Xukuumaddu iyadaa idinka taqaan dadkeeda. Su’aasha markaa imika u taal waa: Idinku ma ka taqaanaan cid kasta dadkiina? Hadda hana ku kaadsoomina, dadkeeda iyo dadkiinuba way idinka wada dhalan karaane…
Xildhibaan Mukhtaar Hassan Maydhane ayaa qoraalkan ku baahiyay bartiisa Facebook
Comments
Post a Comment
Fadlan Fikirkaaga ka dhiibo hadii aad ku xidhan tahay wararka iyo macluumaadka aanu halkan idinkula wadaagno noona reeb wixii talo iyo tusaale ah