Laba ka mid ah isbitaaladii ugu waawaynaa Marinka GAZA ayaa joojiyay hawlihii caafimaad ee ay u qabanayeen bukaanada ku soo dhaawacmay duqeymaha halkaasi ka socda
Labadii isbitaal ee ugu weynaa Gaza ayaa joojiyay inay qaabilaan bukaanno cusub sababo la xiriira duqeymaha ka dhanka ah Israel iyo daawo yaraanta ay weheliso Gabaabsiga shidaalka, iyadoo la sheegayo inay Korortay dhimashada bukaanada iyo shaqaalaha caafimaadka.
Al-Shifa iyo Al-Quds, oo ah isbitaallada ugu waaweyn Gaza, ayaa sheegay inay gabi ahaanba Hakiyeen hawlihii shaqo ee Gargaarka iyo daawaynta bukaanada
Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa tilmaamay in qaar kamida shaqaalihii caafimaadka isbitaaladaasi la dilay inkastoo hayada caafimaadka aduunka ay ka digayso kororka dhimashada bukaanada kuna baaqday in si deg deg ah loo sameeyo Xabad Joojin .
Comments
Post a Comment
Fadlan Fikirkaaga ka dhiibo hadii aad ku xidhan tahay wararka iyo macluumaadka aanu halkan idinkula wadaagno noona reeb wixii talo iyo tusaale ah