Skip to main content

Aqoonyahan Maxamed Suldaan Saleebaan Cali oo si weyn u taageeray, uguna mahadnaqay ex-wasiir Cabdi Cismaan Dhego-weyne

 Aqoonyahan Maxamed Suldaan Saleebaan Cali oo si weyn u taageeray, uguna mahadnaqay ex-wasiir Cabdi Cismaan Dhego-weyne oo dhawaan laga qaaday xilkii wasiirka wasaaradda Maalgashiga iyo wershadaha somaliland.

-----------------------------------------------------------------------------


“Ninkii timir abuuriyo ninkii tiin talaalaba taariikhdu wey werin."

-----------------------------------------------------------------------------


Wasiir Cabdi Cismaan Dhego-weyne wuu gutay maanta waajibkii ka saarnaa metalaada dadkiisa intii uu awoodi karayay muddadii uu hayay xilka wasiirnimo.


Masuulka wanaagsani waa ka la dareenka ah dadkiisa ee og waayaha ay ku sugan yihiin. Wixii dhib ku ah wuu ka dhowraa, dheefna wuu la doonaa.


Mudane Wasiir Cabdi Dhago-weyne wuxu tusaale wanaagsan u noqday da'yarta reer Awdal ee maanta joogta, harraadka badana u qabta hoggaaminta masuuliyiin si dhab ah ugu metala siyaasadda somaliland.


Maanta Cabdi dadkiisa ayuu geesi u yahay, mar  hadduu ku dhiiraday isaga oo haya xil wasiirnimo in uu raadiyo xaqa dadkiisa kaga maqan dowladnimada somaliland, waana wax aanay hortii cidina ku dhiiran.




Xil dowladdeed iyo duunyo kale oo si shaqsi ah loo helo waxa ka qiimo badan adiga oo sharaf wanaagsan ku dhex-jooga dadkaaga, waxay qabaana la qaba.


Mudane wasiir waan kaaga mahad-celinayaa sidii gobonimada lahayd ee aad ugu adeegtay dadkaaga muddadii aad haysay xilka wasiirno.


Waanu kuu xassuusnaan doonaa taariikhdaa weyn ee aad ka gashay raadinta xaqa dadka reer Awdal kaga maqan dowladnimada Somaliland.


“Ninkii timir abuuriyo ninkii tiin talaalaba taariikhdu wey werin."


Maxamed Suldaan Saleebaan 

Sweden

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Labo ka mid ah isbitaalada ugu waawayn marinka Gaza oo shaqo joojin sameeyay

 Laba ka mid ah isbitaaladii ugu waawaynaa Marinka GAZA ayaa joojiyay hawlihii caafimaad ee ay u qabanayeen bukaanada ku soo dhaawacmay duqeymaha halkaasi ka socda  Labadii isbitaal ee ugu weynaa Gaza ayaa joojiyay inay qaabilaan bukaanno cusub sababo la xiriira duqeymaha ka dhanka ah Israel iyo daawo yaraanta ay weheliso Gabaabsiga shidaalka, iyadoo la sheegayo inay Korortay dhimashada bukaanada iyo shaqaalaha caafimaadka. Al-Shifa iyo Al-Quds, oo ah isbitaallada ugu waaweyn Gaza, ayaa sheegay inay gabi ahaanba Hakiyeen hawlihii shaqo ee Gargaarka iyo daawaynta bukaanada  Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa tilmaamay in qaar kamida shaqaalihii caafimaadka isbitaaladaasi la dilay  inkastoo hayada caafimaadka aduunka ay ka digayso kororka dhimashada bukaanada kuna baaqday in si deg deg ah loo sameeyo Xabad Joojin .

Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Qore Rabiile Xaaji Abiib

  Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Magaca Gadabuursi, waxa inta badan la yidhaa waa naanaysta "Ilma Siciid", sida aan ka akhriyay Buugga taariikhda Gadabuursiga ee uu qoray Cabdiraxmaan Qaadi (AHUN). Qoomiyada Oromadu waxa ay leeyihiin fasiraad dheer oo qodobkan la xidhiidha. magaca Gadabuursi waxa ay si toos ah u la xidhiidhiyaan nidaamka maamul ee dhaqanka Oromada (Gada System). Waa nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku soo doortaan Gandaha Dhaqan oo ah xeerbeegtida bulshada oo uu madax ka yahay (Abaa-gadhe), golaha Difaaca oo ah hogaanka ciiidanka oo u madax ka yahay (Abaan-Duulle) iyo Golaha Sahanka iyo Xidigiska oo madax ka yahay (AbĂ an waare). Nidaamkan GADA ayay ku tilmaamaan in uu ahaa nidaam gadabuursiga la gu majeeran jiray, magaca Gadabuursi na uu kala jabo laba qaybood oo kala ah Gada oo ah "Nidaam" iyo "Biirsi" oo ah hadhaadigii. Macnuhu waa hadhaagii Nidaamka. Siday ku timid? Inkasta oo aanay dhacdadani si cad u gu dhignayn Buugga furash