Skip to main content

Dawlada Maraykanka ayaa Cunaqabatayn Cusub kusoo rogtay dalka Ruushka iyo Gabadh Putin uu dhalay oo ka mid ah kuwa la cunaqabateeyay

 Borama Cable - Dawlada Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay Gabadh uu dhalay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin 


Sidoo kale Liiska waxaa sidoo kale ku jira qoyska wasiirka arrimaha dibadda Sergei Lavrov iyo bangiyada waaweyn ee dalkaasi 


Tallaabooyinkan ayaa daba socda muuqaal cusub oo muujinaya gabood-fallo ay ciidamada Ruushku ka geysteen Ukraine, oo ay ku jiraan sawirrada maydadka dad rayid ah oo daadsan waddooyinka Bucha, oo u dhow caasimadda Kyiv.

Ruushka ayaa sheegay, in sawiradu yihiin kuwo aan cadayn oo ay sameeyeen saraakiisha ciidamada Kiav 


In kasta oo sawirada dayax-gacmeedku ay muujinayaan in dadka rayidka ah la dilay markii Ruushku ay maamulayeen Bucha, Balse Mr Putin ayaa arintaasi ku tilmaamay  "daandaansi naxariis darro ah oo ay sameeyeen  maamulka Kyiv".


Isagoo tixraacaya dilkii Bucha, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu yiri Arbacadii: "Ma jiraan wax ka yar oo dhacaya marka loo eego dembiyada dagaal ee waaweyn."


Waa ayo gabdhaha uu dhalay Putin?

Ku dhawaaqida ayaa ku tilmaantay Ms Tikhonova inay tahay "fuliye teknoolajiyadeed oo shaqadeedu tahay inay taageerto warshadaha difaaca".


Walaasheed, Ms Vorontsova, ayaa iyaduna hogaamisa barnaamijyo ay dawladdu maalgeliso oo balaayiin doolar ka heshay Kremlin-ka dhanka cilmi-baarista hidde-sidaha oo uu si shakhsi ah u kormeero aabaheed Putin".


Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Biden oo la weydiiyay sababta Mareykanka uu u beegsanayo gabdhaha Mr Putin ayaa sheegay in Mareykanku uu u maleynayo inay gacanta ku hayaan qaar ka mid ah hantida aabahood.


"Waxaan haysanaa sabab aan ku aamino in Putin, iyo qaar badan oo ka mid ah saaxiibadiisa, iyo Qoyskiisa ay qariyaan hantidooda,  iyo maalkooda 


"Waxaan aaminsanahay in qaar badan oo ka mid ah hantida Putin ay ku qarsoon yihiin xubnaha qoyska, taasina waa sababta aan u beegsaneyno." ayuu yidhi sarkaalka u hadlay maraykanku 

Cunaqabateynta Cusub ee Mareykanka uu ku dhawaaqay waxaa ka mid ah.


- Tallaabooyin dhaqaale oo lagu mamnuucayo maalgashiga cusub ee Ruushka

- Cunaqabatayn dhaqaale oo daran oo ku saabsan bangiga gaarka ah ee ugu weyn Russia, Alfa Bank, iyo hay'ad maaliyadeed ee ugu weyn, Sberbank


- Cunaqabataynta lagu soo rogay shirkadaha muhiimka ah ee dawladdu leedahay

_ Cunaqabatayn lagu soo rogay saraakiisha dawladda Ruushka iyo xubnaha qoyskooda

Dhanka kale Boqortooyada Midowday (UK) waxay ku dhawaaqday cunaqabatayn dheeri ah oo lagu soo rogayo siddeed kamida bangiyada Ruushka, oo ay ku jiraan bangiga ugu weyn dalka, Sberbank, iyo Bangiga Credit ee Moscow.


Midowga Yurub ayaa sidoo kale ka doodaya joojinta dhuxusha Ruushka laga keeno iyada oo laga walaacsan yahay dambiyada dagaal ee lagu eedeeyay inay kordheen.


Ka hor inta aan lagu dhawaaqin cunaqabateynta cusub ee Washington, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu sheegay inuusan "u dulqaadan karin wax kasta oo go'aan la'aan ah".


Isagoo u hadlayay baarlamaanka Ireland  wuxuu sheegay in weli loo baahan yahay in lagu qanciyo qaar ka mid ah dalalka Yurub inay jiraan "Denbiyo dagaal oo uu ku kacay ruushku kuwaasi oo ah qaar  argagax leh sida khasaaraha maaliyadeed ee dalka Ukraine soo gaadhay

Waxa uu intaa ku daray in "saliid Ruushku aanu quudin karin mishiinka milatari ee Ruushka", iyada oo wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine uu ku dooday bartiisa Twitter-ka in cunaqabatayn gaaska iyo saliidda loo baahan yahay si dhab ah loo saameeyo awoodda Ruushka ee dhaqaalaha dagaalka.


Xigasho Aljazeera 

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g