Boorama Cable - Iyadoo Ruushku uu ku qulqulayo goobaha dagaalka ee Ukraine, suurtogalnimada Ruushku qarka u saaran yahay isticmaalka hubka nukliyeerka ayaa hadda kor u kacaya, Taasina sababteedu waxa ay tahay in madaxweyne Vladimir Putin u muuqdo mid aan Guul ka soo hoyn Weerarka uu Ukraine ku qaaday .
Ruushku wuxuu si xun u sameeyay dagaalkan, Taasi oo uu kala kulmay lama filaan Maadaama uu markii hore isku arkayay dal awood badan oo aan Ukraine Biyo u kaban doonin Hase ahaatee arintaasi ayaan suuragal noqon waxaanay tani dhaawacaysaa sumcada uu ruushku ku leeyahay caalamka
Waxqabad la'aan, qallafsanaan iyo naxariis darrada ciidamada militariga Ruushka ayaa la saadaalinayaa inay ka soo laabtaan goobaha dagaalka maadaama ay kala kulmeen nasiib xumo xoogan
Haddii Madaxweyne Putin uu arko inaanu ka guul gaadhayn dagaalkan askarta Ruushkana loo arko in guud ahaan lagu jebiyay, waxay tani kor u qaadaysaa fursadaha lagu riixi karo badhanka hubka wax gumaada ee Nukrlier si dawlada Ruushka ay caalamka tusiso awoodeeda inta ay le,eg tahay
Comments
Post a Comment
Fadlan Fikirkaaga ka dhiibo hadii aad ku xidhan tahay wararka iyo macluumaadka aanu halkan idinkula wadaagno noona reeb wixii talo iyo tusaale ah