Skip to main content

Halkan ka Aqriso Taariikh Nololeedka Ra'izul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo xalay geeriyooday

Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Allaha u Naxariistee Taariikh Nololeedka Ra'izul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xusseen oo xalay ku geeriyooday Dalka Mareykanka

Halkan ka Aqriso Taariikhda Ra'izul Wasaarihii hore.


Cabdirisaaq Xaaji Xusseen waxa uu ku dhashay Magaaladda Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug taariikh Sannaddeedka Miilaadigu kolki ay ahayd 24/12/1924.

Cabdirisaaq Xaaji Xusseen ma helin waxbarashadda Tooska ah ee aqoonta Garashadda Bini'aadamku ururiso ,Waxbarashaddiisuna waxay ahayd aqoonta Quraanka Diinta Islaamka iyo luqaddo qalaad .

Cabdirisaaq Xaaji Xusseen oo ahaa qof aad u firfircoon waxa uu la shaqeeyey dhowr iyo toban jirkiisi Gumaystihi Ingiriiska ee dagaalki labaad ee adduunka ku qabsadday guud ahaan dhulka Soomaalida , Cabdirisaaq waxa uu bartay Luqadaha Ingiriiska iyo Talyaaniga , sidoo kalena waxa uu la shaqeeyey Maamulki Wisaayadda Talyaaniga ee Soomaalida Talyaaniga Qaramadda Middoobay u dhibeen Talyaanigu in uu u laylyo dawladnimo noqosho.

1944-ti waxa uu xubin ka noqday Cabdirsaaq Xaaji Xusseen ururku SYC (Somali Youth Clup) kolki dambena loo baddalay SYL (Somali Youth League) .

1955- Waxa uu noqday Xooghayaha Guud ee Ururka SYL , Cabdirisaaq oo ahaa qof firfircoon dhanka Siyaasadda waxa uu ka mid ahaa dadki aadka uga shaqeeyey xornimo hellida Soomaalida Talyaaniga .

Cabdirisaaq Xaaji Xusseen waxa uu ka mid noqday Baarlamaanki Ugu horreeyey ee dalka Soomaaliya yeesho isaga oo leh dawlad xor ah .


Xukuumaddi Cabdirashiid Cali Sharmaarke ee ahayd xukuumaddi ugu horaysay ee dalka Soomaaliya waxa uu ka noqday Cabdirsaaq Xaaji Xusseen Wasiir, waxa soo qabtay xillalka wasiirraddaha kala ah Wasiirka Arrimaha Guddaha & Wasiirka Shaqadda iyo Isgaarsiinta .

Cabdirisaaq Waxa uu noqday siyaasi firfircoon kana mid ah Siyaasiyiinta dalka ee tilmaaman awoodda baddana ku dhex hel Xisbiga SYL dhexdiisa .

Doorashaddi dalka Soomaaliya ka dhacday ee Baarlamaanka Waxaa ku guulaystay coddadka baddan Xisbigi SYL oo hellay 67-kuris , kolki ay soo dhamaatay doorashaddi xukuumaddi horre ee Cabdirashiidna dhacday Cabdirisaaq Xaaji Xusseen waxa uu isu soo taagay Xilka Wasiirka Koowaad ee xukuumadda Dalka Soomaaliya .

1964-ti ayuu Madaxwayne Aadan Cabdulle Cismaan u magacaabay Cabdirisaaq Xaaji Xusseen Wasiirka Koowaad ee dalka Soomaaliya .

Cabdirisaaq waxa uu soo dhisay Gollihi Wasiiradda ee xukuumaddi uu Wasiirka Koowaad ka ahaa , Baarlamaanka oo kalsoonidda looga doonay Gollihi Wasiiradda ee Cabdirsaaq Soo dhisay waxay noqdeen kuwo aan hellin kalsoonidda Baarlamaanka .

Dib ayuu haddana usoo dhisay xukuumad kale , Gollihiisi Labaad ee uu soo dhisay waxay noqdeen kuwo ka gudba Baarlamaanka , 1964-1967 ayuu ka soo ahaa dalka Soomaaliya Wasiirka Koowaad .

Doorashaddi Madaxwaynenimadda ee la qabtay 1967-di waxaa ku soo baxay Madaxwaynenimadda dalka Cabdirashiid Cali Sharmaarke , Waxa uu Wasiirka koowaad u doortay Maxamed Ibraahin Cigaal .

Heshiiskii Caruusha ee is-afgaradka dhulka NFD ee Soomaaliya iyo Kenya dhex maray ee uu saxiixay Ra'iisul wasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal , Waxaa ka dhashay khilaaf xoogan oo heshiiskaas salka ku haya , Cabdirisaaq Xaaji Xusseen waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiinti ka soo horjeeday heshiiska , waxa uu qayb wayn ka qaadtay Mudaharaadyo lagaga soo horjeedo heshiiska oo ka dhacay Muqdisho .

Khilaafku intaas kuma ekaane Cabdirisaaq Xaaji Xusseen iyo Siyaasiyiin ay isku dhinac yihiin waxay ka furteen Xisbigi SYL waxa aynna samaysteen Xisbiga DABKA .

1969-ki Afgambigi ciidamadda Cabdirisaaq Xaaji Xusseen waxa uu ka mid noqday siyaasiyiinti Xabsiga loo taxaabay , Muddo ka dib waa la soo daayay , waxa uu noqday xilligi dawladdi Kacaanka Wakiilka dalka Soomaaliya u fadhiya Qaramadda Middoobay xilkaasna waxa uu hayey xilligi u dhaxeeyey 1974-1979

31-01-2014 ayuu ku geeriyoodday Carriga Maraykanka Cabdirisaaq Xaaji Xusseen ,Allaha Naxariisti Janno siiyee. .

Magaca: Cabdirisaaq Xaaji Xussen
Qofnimadda : Siyaasi.
Dhashay: 24-12-1924
Ku dhashay: Gaalkacayo , Mudug ,Soomaaliya.
Xil: Xubin SYC -1944.
Xil: Xoghayaha SYL -1955.
Xil: Xubin Baarlamaanka Soomaaliya -1960
Xil: Wasiirka Arrimaha Guddah-1960----1962.
Xil: Wasiirka Shaqadda iyo Isgaarsiinta-1962----1964.
Xil: Wasiirka Koowaad 1964----1967.
Xil: Wakiilka QM ee Soomaaliya -1974----1979.
Dhintay. 31-01-2014
Ku dhintay Minneapolis,Minnesota., America


Xasuusaha Xilligiisi Ra'iisal wasaarenimo.

Muddadi uu dalka ka ahaa Cabdirsaaq Xaaji Xusseen Wasiirka Koowaad waxaa dalka Soomaaliya ka dhacay Abaaro sidoo kale waxaa dalka Soomaaliya soo beegsanaayey qaxooti Soomaaliyeed oo ka soo hayaamay dhanka Soomaalida Itoobiya haysatay iyo qaxooti kale oo docda Soomaaliya Kenya ka soo qulqulaayey .

Dhanka la dagaalanka Musuqmaasuqa ayuu Cabdirisaaq Xaaji Xusseen Xooga Saaray waxaa uu shaqadda ka ruqseeyey shaqaale badan oo dawladdeed , waxaa uu ku sheegan yahay Buqshadda Gudduudan , oo ahayd qofki dawladda ka shaqeeye ee ay usoo dhacdo Buqshadda Gudduudani waa shaqi ka fariisin .

Aragti Siyaasaddeedkiisi.

Cabdirisaaq Xaaji Xusseen waxa uu aaminsanaa Siyaasad ah isu keenka dhulalka Soomaalida ee loogu yeero Soomaaliwayn.

Higsigiisu waxa uu ahaa arkidda Soomaalida oo mid ah la isuna keenay dhamaan dhulka Soomaalida ,yeeladda dawlad nadiif ah oo u taagan dannaha dadwaynaha Soomaaliyeed .

Cabdirisaaq Xaaji Xusseen waxa uu ahaa Siyaasiinta Fara ku tiriska ah ee Soomaaliyeed ee aaminsan Mabda, Waxa uu ahaa qof lagu tilmaami karo Wadani .


Aragtidiisa Siyaasaddeed waxay ku wajahnayd danta Bulshadda , dhanka Siyaasiyiinta Qabyaaladdeed ayuu ahaa mid ku tilmaama kuwo xil hayntoodda ka fakaraaya shacabkana dhibaato ku ah .

Mar uu Federaalka Soomaaliya ka hadlaayey waxa uu sheegay in Federaalku yahay mid Siyaasiin xil doon ahi ay ka dhiganayaan sallaan ay kursiga ku gaara , shacabka Soomaaliyeed dhibaato ugu jirto Federaalka , Soomaaliyana danteeddu tahay dawlad middaysan .


Allaha u naxariisto Qoyskiisa iyo ehelkiisana Allaha Samir iyo Iimaan ka siiyo .

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g