Skip to main content

Gaadhiga ugu qaalisan Caalamka laguna farsameeyay dalka Jarmalka sanadkii 1985 oo Boorama lagu dhex wato ( SAWIRO)

Tisqaadmedia( Boorama) Gaadhiga ugu qaalisan Caalamka laguna farsameeyay dalka Jarmalka sanadkii 1985 oo Boorama lagu dhex wato ( SAWIRO)
Gaadhigan Magaciisa ayaa waxa la yidhaa Bavarian Motor Works oo loo soo gaabiyay BMW oo ah shirkada samaysay Gaadiidkan shirkadani ayaa la aasaasay sanadkii 1916 xarunteeda ugu wayna waxay ku leedahay magaalada Munich shirkadan BMW waxay gaadiid usoo saartay wadamada Germany, Brazil, China, India, South Africa, the United Kingdom and the United States. sidoo kale waxay shirkadani samaysaa noocyo kamida mootooyinka iyo diyaaradaha kala duwan , sanadkii 2015 ayaa waxa la ogaaday in shirkadani ay soo saartay in kabadan laba milyan oo gaadhi oo kor yaala dunida aynu ku nool nahay
Hadaba magaalada Boorama  caasimada labaad ee Soomaliland waxa yaala mid kamida Gaadiidka ay shirkadani soo saartay Markii ugu horeysay gaadhiga noocan ahi shirkada BMW waxay soo saartay sanadihii 1985-1987 xiligaasina waxay shirkadu soo saaartay 600 oo gaadhi oo nashqadani leh kaasi oo ah qaabkiisu BMW E30 "M3 Sport Evolution"
Gaadhigani ayaa waxa uu kamid yahay kuga ugu qaalisan ee aduunka ka jira , waxaana haatan gaadhigan BMW uu yaalaa magaalada Boorama waxaana iska leh Mid kamida farsamayaqaanada Ugu caansan magaalada Boorama ee loo yaqaano Eng: Cabdi kayd
Gaadhigan Qiimaha uu caalamka ka taagan yahay ayaa ah mid aan la qiyaasi karin wadamada qaar ee dunida ku yaala qofka raba inuu iibsado gaadhiga Bavarian Motor Works BMW Xaqiiqo ahaa waxa hubaal ah inuu miiska saarayo qadar lacageed oo dhan 50,000 oo doolarka maraykanka ah hadba wadanka uu yaalo iyo sida lagaaga iibinayo ayay ku xidhan tahay

SAWIRO KU SAABSAN GAADHIGA Bavarian Motor Works BMW oo BOORAMA uu ku dhax wato eng: Cabdi kayd

<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script>
<script>
     (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({
          google_ad_client: "ca-pub-6581224762910451",
          enable_page_level_ads: true
     });
</script>









fiiro gaara gaadhiga xaga hoose aad ku arkaysaan waa isaga oo yaala magaalada Munich ee dalka jarmalka 



Waxa iska kaashaday diyaarinta Warbixintani
Anigoo Nuux kadiye ah iyo sidoo kale wariye Cabdiraxmaan Muuse sheekh xasan ( WABAX)

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g