Skip to main content

Posts

Showing posts from July, 2021

Eng Xasan wuxuu la nool yahay bulsho aan ogayn hibadiisa naadirka ah

 Eng Xasan waraabe waa wiil hal abuur leh xaqiiqdii wuxuu waayay dadkii ka faaidaysan lahaa khibradiisa curinta cajiibka leh  Xasan wuxuu sameeyay fikiro dhawr ah oo maskaxdiisa ka soo maaxay kuwaasoo qaarkood laga manaafacaadsan karo laakiin cid dhiirigalisa oo gacan qabata ma helin  Mida kale ganacsatada gobolka Awdal iyo bulshaduba waxay noqdeen kuwa aan ishoodu qaban dadkooga hibada iyo hal abuurka illaahay ku manaystay  ● Wuxuu sameeyay  qalab loogu talagalay goobaha baro kantaroolada ku yaalaan ama albaabada hotelada lagu xidhi karo si Automatically ayuu u shaqaynayaa halkii albaabku mar walba birta laga qaadi lahaa ● Wuxuu hirgaliyay agabka ka hortaga fayraska corana waa meel muraayad leh oo qofku dhex marayo isaga oo iska buufinaya fayraska dharkiisa saaran ama la socda ●Curintiisa cusubina Waa dinisoor uu gacantiisa ku farsameeyay dhaq dhaqaaq ayay samaynaysaa waa cajiib Qiimee qofkaaga si aad qiimo u yeelato Nuux Kadiye

Haddii ay daan idinku ka qayb qaadan Magaaladu Nadiif noqon Mayso " Maayarka Boorama.

 

Xildhibaan Ficilo cajiiba ka sameeyay magaalada Boorama xili lagu guda jiray ololaha nadaafada

Boorama oo maalinta sabtida isku soo bixi doonta iyo Maayarka oo baaq bulshada usoo diray

 

Sheekhul baladka Somaliland Sheekh Cabdilaahi sheekh cali jawhar oo tagay masjid Harawa

 

Dhalinyar ku dhawaaqay urur hadal hayn ka abuuray bulshada Somaliland

  108916101351424_108916118018089

Xitaa Warka Sugan Wuxu U Baahanyahay Xaqiijin

Bilowga Qisada Nebi Suleymaan {CS} Ee Suuratu-Namli Waxay ina Baraysaa Anshaxa Wanaagsan Ee Warbaahinta, Kormeer Uu Ku Sameeyey Shimbiraha ayuu Ka Dhex Waayey Hud-hud, Kadibna Waxa Uu Balanqaaday in Uu Ciqaabidoono Hadii Keeni-waayo Cadayn Ku Sahabsan Waxa Uu Ku Maqanyahay, (Accuracy):- Wax yar Kadib Markii Uu Yimiday Hud-hudku Waxa Uu Ku Wargeliyey Nebiga {CS} in Uu Ka Yimid Saba oo Uu Ka Sido WAR-SUGAN, Waxa Uuna Intaasi Ku Daray Faallo Ku Sahabsan Waxa Uu Soo Arkay, (Verification):- Suleymaan {CS} isla Markiiba Ma Qaadan Go'aan Ku Aaden Warka Sugan Ee Wuxu Bilaabay inuu iska Xaqiijiyo, Wuxuna Ku Yidhi Waan Eegi-doonaa in aad Run Sheegayso iyo in aad Been Sheegayso, Kadibna Waaka Kitaabka U Dhiibay Sidaa Lagu Helay Warka Saxda ah Ee La Xidhiidha Reer-Saba, OGOW, Sugnaanta Warka iyo Xaqiijinta Xogtu Waa Laba Tiir oo Ka Mid ah Mabaadi'da Aasaasiga ah Ee Anshaxa Saxaafada.......... Warka Sugan Socon-maayo Hadii aan La Xaqiijin Xogta Ku Jirta, Suurada Xujraat Laftarkeedu Waxay in

Wuxuu ahaa Dil Foox xun oo ay ka Argagaxeen shacabka Boorama

 

Qaabkuu u dhacay Dilka Ardaygii Askarigu Boorama ku toogtay , Jaamacada Amoud maxay ka tidhi

 

Siyaasi Ruush oo soo bandhigay sababihii dhalinyarada Boorama ku kalifay inay calanka Somalia qaataan

   

Oday Xareed oo kamida xildhibaanada golaha guurtida somaliland deegan ahaana Awdal ka soo jeeda waxa uu si aan ka gabasho lahayn runta ugu sheegay beesha isaaq

 

Maayarka cusub ee Boorama ayaa shaqada dawlada hoose ka bilaabay halkii uu shacabka ugu shaqayn lahaa oo ah xarunta

 

Faalo uu Qoray Khadar Mohamed oo la xidhiidha arinta calanka somalia

  Reer Hargeysa Oohinta Aad La Ooyeysaan Calanka Boorama Caruurtu Ku Qaadatay . Cabdi Xaashiga Muqdisho Jooga Ee Mujaahidka Ah Iyo Dr Beylaha Maaliyada Ee Muqdisho Jooga Ee isna Cadow Aad Leedihiin Markaan Dhuuxno Dee Mooyi Waxaad U Jeedaan Tigree Oo 5 Million ayaa Baacsanaya Amxaaro 30 malyuun ah Halkaasina Ku Darsoo Iidoorka Sadexda Magaalo Degan Hadaan Ku Yaacno Eebe ayaa Og Waxaan Ina Kala Gaadhi Ee Ilmaadeerayaal Inta Aduunka La Laabayo Ixtiraam,Walaalnimo iyo Islaanimo Aan Ku Wada Joogno.. Wa bilaahi tawfiiq !!!! Khadar Mohamed  

Gobonimo?Xorriyad ? Siyaasi Ruush ayaa qoray

Kuwii shalay wax ku bartay cashuurtii ummadii Soomaaliyeed, kuwii wax ku noqday, shaqo ku helay,kana faa'iiday jiritaankii dowladdii Soomaaliyeed. Kuwii deeqaha caalamiga ah iyo cashuurtii ummada Soomaaliyeed loogu dhisay dekedo, airports, iyo wadooyinka. Kuwii dhaqaale ahaan loo kool koolin jiray, haday noqoto cashuur dhaafyo, iyo haday noqoto hirgalintii Hargaysa laga hirgaliyey bangigii amaahda ee Soomaaliya,oo ganacsato badani ka taajirtay. Kuwii lahaa xilalka wasiiradii ugu tunka waynaa, ayaa hadana ahaa kuwii ugu cabashada badnaa,odhanjirayna waxbaa naga maqan, ayaa hadana ahaa kuwii saluugay dowladii ummada Soomaaliyeed oo ay tiro ahaana ka ahaayeen 7% to 10%, waxay waxaa loo sameeyey oo dhana ku sheegi jireen dulmi iyo cadaalad darro! Waxay samaysteen, jabhad bilaa ujeeda ah, oo bilaa ajendayaala,nasiib wanaag dowladii waxay ka dhacday Xamar iyaga oo isasoo dhiibaya. #Isla kuwaasi oo dowladd sheeganaya ayaa doonaya inay ciqaabaan caruur waalidkoodii ku tabceen oo ay waxbar