Skip to main content

Gobonimo?Xorriyad ? Siyaasi Ruush ayaa qoray

Kuwii shalay wax ku bartay cashuurtii ummadii Soomaaliyeed, kuwii wax ku noqday, shaqo ku helay,kana faa'iiday jiritaankii dowladdii Soomaaliyeed.
Kuwii deeqaha caalamiga ah iyo cashuurtii ummada Soomaaliyeed loogu dhisay dekedo, airports, iyo wadooyinka.
Kuwii dhaqaale ahaan loo kool koolin jiray, haday noqoto cashuur dhaafyo, iyo haday noqoto hirgalintii Hargaysa laga hirgaliyey bangigii amaahda ee Soomaaliya,oo ganacsato badani ka taajirtay.
Kuwii lahaa xilalka wasiiradii ugu tunka waynaa, ayaa hadana ahaa kuwii ugu cabashada badnaa,odhanjirayna waxbaa naga maqan, ayaa hadana ahaa kuwii saluugay dowladii ummada Soomaaliyeed oo ay tiro ahaana ka ahaayeen 7% to 10%, waxay waxaa loo sameeyey oo dhana ku sheegi jireen dulmi iyo cadaalad darro!
Waxay samaysteen, jabhad bilaa ujeeda ah, oo bilaa ajendayaala,nasiib wanaag dowladii waxay ka dhacday Xamar iyaga oo isasoo dhiibaya.
#Isla kuwaasi oo dowladd sheeganaya ayaa doonaya inay ciqaabaan caruur waalidkoodii ku tabceen oo ay waxbareen,caruur aan mustaqbal loo hayn oo u dhaxaysa tahriib iyo rajjo la'aan, oo cashuurtii laga qaaday iyaga iyo waalidkoodaba daaro iyo fooqaq lagaga dhistaa deegaano gaara, walibana la rabbaa in ubad yar yar oo bilaa mustaqbala la iska horgeeyo, oo calamo loo dhiibo ayna macnahoodaba fahmayn.
Hadaba kuwii dheefta u badan Soomaaliya ku hayey markay dulmi taasi ku tilmaameen aad bay u adkaanaysaa inay kula fahmaan inay dulmi tahay in cashuurta Somaliland loo xidho deegaano gooniya,in deeqaha dibada loo xidho deegaano gooniya, in maalgashiyada caalamiga ah lagu ekeeyo degaano gooniya, in maamulka lagu koobo dad gooniya.
Xalka? Kaa kibray siduu yeelay yeel!
Maxamuud Warsame Ruush
May be an image of 1 person and outdoors
https://boramacable.blogspot.com///2021/07/gobonimoxorriyad-siyaasi-ruush-ayaa.html https://boramacable.blogspot.com/2021/07/gobonimoxorriyad-siyaasi-ruush-ayaa.html' rel='canonical'/>

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida ...

Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Qore Rabiile Xaaji Abiib

  Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Magaca Gadabuursi, waxa inta badan la yidhaa waa naanaysta "Ilma Siciid", sida aan ka akhriyay Buugga taariikhda Gadabuursiga ee uu qoray Cabdiraxmaan Qaadi (AHUN). Qoomiyada Oromadu waxa ay leeyihiin fasiraad dheer oo qodobkan la xidhiidha. magaca Gadabuursi waxa ay si toos ah u la xidhiidhiyaan nidaamka maamul ee dhaqanka Oromada (Gada System). Waa nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku soo doortaan Gandaha Dhaqan oo ah xeerbeegtida bulshada oo uu madax ka yahay (Abaa-gadhe), golaha Difaaca oo ah hogaanka ciiidanka oo u madax ka yahay (Abaan-Duulle) iyo Golaha Sahanka iyo Xidigiska oo madax ka yahay (AbĂ an waare). Nidaamkan GADA ayay ku tilmaamaan in uu ahaa nidaam gadabuursiga la gu majeeran jiray, magaca Gadabuursi na uu kala jabo laba qaybood oo kala ah Gada oo ah "Nidaam" iyo "Biirsi" oo ah hadhaadigii. Macnuhu waa hadhaagii Nidaamka. Siday ku timid? Inkasta oo aanay dhacdadani si cad u gu dhignayn Buugga furash...

Siyaasigii ugu saamaynta badnaa waayahan Somaliland ay Jirto oo Wasiir looga Magacaabay Xukuumada Muuse biixi

Siyaasigii ugu saamaynta badnaa waayahan Somaliland ay Jirto oo Wasiir looga Magacaabay Xukuumada Muuse biixi  Abdinasir Muhumed Hassan Buuni Waa siyaasi Qunyar socod ah kaasi oo la soo dabaashay Marxalado siyaasadeed oo kolba dhinac isku rogayay Mar uu Mucaarad ahaa iyo Hada oo uu ka mid yahay Bahda Xukuumada Somaliland Kuwooga aadka isha loogu hayo Marka ay taagan tahay ka hadalka dhanka Warbaahinta  Abdinasir Buuni oo Markii u danbeysay ahaa Afhayeenka Xisbiga Talada haya ee Kulmiye ayaa magacaabistiisu waxa ay sabab u ahayd inuu markiiba caan ka noqdo deegaanada somaliland iyo guud ahaanba marxalada siyaasadeed ee isbadbadalka badnayd  Difaacida Xukuumada Somaliland ayuu hadh iyo habeenba u taagnaa waxayna arintaasi meesha ka saartay in Gabi ahaanba dhaliisha xisbiyada Mucaaradka Somaliland iyagoona Ninkaasi ku tilmaameen inuu ku yahay Laf dhuun gashay oo meel loo dhaafi karaaba jirin Xaalku waxa uu Gaadhay Buuni iyo Mucaaradka inay iskugu soo hadhaan Fagaaraha ka had...