Bilowga Qisada Nebi Suleymaan {CS} Ee Suuratu-Namli Waxay ina Baraysaa Anshaxa Wanaagsan Ee Warbaahinta,
Kormeer Uu Ku Sameeyey Shimbiraha ayuu Ka Dhex Waayey Hud-hud, Kadibna Waxa Uu Balanqaaday in Uu Ciqaabidoono Hadii Keeni-waayo Cadayn Ku Sahabsan Waxa Uu Ku Maqanyahay,
(Accuracy):- Wax yar Kadib Markii Uu Yimiday Hud-hudku Waxa Uu Ku Wargeliyey Nebiga {CS} in Uu Ka Yimid Saba oo Uu Ka Sido WAR-SUGAN, Waxa Uuna Intaasi Ku Daray Faallo Ku Sahabsan Waxa Uu Soo Arkay,
(Verification):- Suleymaan {CS} isla Markiiba Ma Qaadan Go'aan Ku Aaden Warka Sugan Ee Wuxu Bilaabay inuu iska Xaqiijiyo, Wuxuna Ku Yidhi Waan Eegi-doonaa in aad Run Sheegayso iyo in aad Been Sheegayso, Kadibna Waaka Kitaabka U Dhiibay Sidaa Lagu Helay Warka Saxda ah Ee La Xidhiidha Reer-Saba,
OGOW, Sugnaanta Warka iyo Xaqiijinta Xogtu Waa Laba Tiir oo Ka Mid ah Mabaadi'da Aasaasiga ah Ee Anshaxa Saxaafada..........
Warka Sugan Socon-maayo Hadii aan La Xaqiijin Xogta Ku Jirta,
Suurada Xujraat Laftarkeedu Waxay inagula Dardaarmaysaa Xaqiijinta,
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِن جَآءَكُمْ فَاسِقٌۢ بِنَبَإٍۢ فَتَبَيَّنُوٓا۟ أَن تُصِيبُوا۟.......
Anbiyada ILaahay U Waxyoonaayo Uma Baahna Xaqiijine Aadamaha ayey Wax Barayaan.
.....Fact-gathering as a Process of Fact-Checking {Objectivity}.....
Ibrahim Suxufi
Comments
Post a Comment
Fadlan Fikirkaaga ka dhiibo hadii aad ku xidhan tahay wararka iyo macluumaadka aanu halkan idinkula wadaagno noona reeb wixii talo iyo tusaale ah