Skip to main content

WAAR MASHAARIICDA QAAR LAGA QUUSTAA JIREE MIYAAD QORSHE KALE QAABAYN KARI WAYDEEN ? QORMO XASAASI AH

 

In dhow ba waxaan la soconaa kooxo danaynaya Abuuritaanka kooxo lidi ku ah qaranka JSL gaar ahaan Degmada Boorama . 

 
Kooxahaasi waxay si aad ah waliba u danaynayaan in galbeedka Boorama waxoogaa mashruuca ka dilaaciyaan .
 
Isku day yada ilaa imika la sameeyay waxa ka mid ah ee bilahan January February
1) Waxa lasoo tuuray warka ah in galbeedka magaalada gaar ahaan aaga cunaqabad hawlo laga jab hada laga bilaabay , se wax jira lasoo waayay .
 
2) waxa talaabadii 2aad hadana la beegsaday mid ka mida dadwayne ka cabanayay khasaare kasoo gaadhay Master plan ka Boorama mid ka mida oo qurba joog ahaa , qurba joogtii kale ee london ay ka wada yimaadeen lama beegsan , sida uu ii xaqiijiyayna waxa uu ii sheegay in kiisas kale loo haysto 
 
3) waxa iyadna aan maqlaynay in habeenkii bisha 4 teedii in qolo wali aqoonsigooda ayna laamaha amniga iyo maamulka Boorama inala wadaagin in ay rasaas ka rideen xaafada shacabka Boorama , waxaan subaxnimadii la kulmay qolo loosoo xidhay oo laga soo qabtay iyagna galbeedka Boorama xaafada caro garanuug walow lasii daayay markii danbe. , 
 
4 ) Waxa kale oo jirtay iyadna in Xaafada Galbeedka iyo waqooyiga Boorama Dhulkoodii qorshaysnaa inta dib u nashqadayn wax la yidhaahdo lagu sameeyay Si xoog leh loo baabiiyay marka loo eego dhamaan dhinac yada kale ee magaalada Taasi oo muujinaysay in meesha laga danaynayay kicin iyo dawlad nacsiin , marka loo eego xuquuqaha xeerka maamulka dhulku u ogol yahay shacabka sida indhaha looga qarsaday ee dadkana hantigooda la baabiiyay .
 
5) waxa kale oon ogsoonahay dhamaan guryaha hoos iniiga muuqda in hal daan laga bur buriyay ayna jirina meel kale oo laga sameeyay khasaarahan , iyadoo sharciga maamulka dhulku in qof in guri laga dumiyo uu ka horaysiiyay qiimaynta iyo bixinta magdhowga sida ku cad qodobada 6 xubnihiisa 3aad iyo 4aad iyo qodobada kale ee 22 23 xeerka maamulka dhulka 
 
6) si lamida waxaydin ogtihiin aagaga weerarkaasi ku socdaa waa aaga dhaqaalaha u badan ee cashuurtu kasoo xerooto , ha noqoto mid dawlada dhexe qaado ama mid degmada Boorama qaado waana afaafka khayraadka u badan ee Ethiopiana 🇪🇹 inaga soo galo balse abaal layskuma qabo ee lasoco 
 

 
 
ARIMAHAASI MARKA LA ISKU WADA DARO WAA SAADAAL SI CAD U IFTIIMINAYSA IN UU JIRO QORSHE GACAN KU RIMISA OO LA DOONAYO IN GALBEEDKA G/AWDAL LAGA ISTAADHO MOOSHIN MACAASH LAGAGA DOONAYO DAWLADA DHEXE EE JSL . DADKA DEGANA LA DOONAYO IN DAWLADA LOOGU TILMAAMO KUWO QARANKA CADAW KU AH , 
 
HADABA QORSHE YAASHA NUUCAN AH INTA AAN FAHMAYN WAXAAN IDIINKA DIGAYAA IN AAD KU DHACDAAN DABINADAAS .
 
MARKASTE WAY ADAGTAHAY INAAD OGAATAAN QORSHEYAASHA IDINKU SOO FOOLEH IYO WAXA LA INIGA DAMACSAN YAHAYBA SOBOBTOO AH 
 
1) Wasad ka maqan tihiin xafiiska maamulka gobolka awdal guud ahaan , ha noqoto badhasaab , hanoqoto badhasaab xigeen , hanoqoto xooghaye yaashooda 
 
2) Si la mida waad ka maqan tihiin maamulka Degmada Boorama ee fulinta. maayir , maayir xigeen , xoog haye Iyo waliba xafiisyadii kale ee muhiimkiiba ee degmada hoos imanayay 
 
3 ) Waxa kale oo aad ka maqantihiin qaybaha amniga gudaha ee gobolka iyo sirdoonkaba ooydaan midkoodna madax ka ahayn 
 
4) Waaxyaha garsoorka ayaa kamida iyagna goobaha aad ka madhan tihiin .
Xaalku isagoo sidaa yahay maaha hadana inaad qaadataan shaanbad ay aydaan lahayn idinku 
 
WAXA AYNU ISLA WAAFAQSANAHAY IN HORE AYNU U XIDHNAY MASHAARIICDAAS QARANKII AAN SOO DHISNAY LA INOOGA HORKEENI JIRAY OO HOGAANKEENII GUUD EE XAGA DHAQANKABA AYNU KA DIIDNAY WAXAAS OO AHAYD MARKA HORENA GACMO KALE OO SIDAN IMIKA LA RAADINAYO KUSOO BILOWDAY OO ODAYGAAS MARKII U DANBAYSAY LOO RAACAY AWBARE LAGANA DIRAY , WIXII LAGA DABA YIDHINA LA OGYAHAY .
 
Markaa 
 
MAANTA KHABIIRO AYAAD TIHIIN REER GALBEEDOW, WAA IN AAD BANAANKA SOO DHIGTAAN IDINKU KUWA MAGACAY DOONAAN HA SHEEGTEENE DOONAYA IN ADIGA MAR 2AAD LAGUGU HOGAAMIYO OO LAGUGU SHAANBADEEYO QARAN DUMISKA ADINKOO OG TAMARTII QARANKAN AAD SOO GALISEEN. 
 
BULSHADA GALBEEDKA HADAYNU NAHAY WAA IN SI CILMIYAYSAN ULA XISAABTANAA XUKUUMADA DHEXE , MAR HADII DADKII AYNU DOORANAY IYO KUWII WAAXAHA FULINTA JOOGAYBA AAD MOODO IN LAGAGA XARIIFSANAADAY GOOBIHII AY INAGU MATALEYEEM WALOW AY KU JIRAAN IN FAHANSAN OO GARAB LA UNA BAAHAN IN AAN GARAB ISTAAGNO INTEENA SHACABKII .
WAA MUHIIM IN AAD XOR NOQOTO
U XISAABTANTO SI CILMIYAYSAN 
 
QORAAL WALBA AMA SOO JEEDIN KASTA WAA KUGU CEEB INAAD LUUQA UUN KASOO KHAAWISTO OOD AFKAARTAADA DHIIBAN KARI KARI WAYDO .
WIXII AAD XAQ U LEEDAHAY HADII AAD SHEEGAN KARI WAYDO
WIXII DULMI KUGU SOCDANA AAD KA DHIIDHIN WAYDO .
 
WAXAAD WALIGAA AAD AHAAN DOONTAA DULMANE DADYOWGA KALANA U HAYSTAAN DAALIN .
 
AAMUSNAANTA SHARCIGU WUXUU U AQOONSAN YAHAY AQBALAAD .
AFKA AAN MAANTA HALKAN AAN KAGA HADLAYAA WAA MID AAN KU MATALAYO XAAFADA AAN KA DEGANAHAY DEGMADA BOORAMA EE UBADKAYGA IYO EHELKAYGUBA WADA DEGNAHAY AB IYO ABTIBA 
 
............................!!!!!!!!..............................
Qoraalkani waa mid aniga ii gaar ah oon aanan ku matalin institutions aan madaxa uga ahay qaranka ! 
 
By Advocate Mukhtar Jibriil

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g