Skip to main content

Halis wayn oo ku soo wajahan wadamada Bariga dhexe iyo Waqooyiga Africa kuwaasi oo uu saamayn doono dagaalka Ukraine

  Dalalka Ruushka iyo Ukraine waa wadamada ugu badan ee soo saara qamadiga caalamka taasina waxa ay ka dhigan tahay dagaalka labadaasi dal oo sii daba dheeraadaa ka dhalan karto dhibaatooyin xaga cuntada ah kuwaasi oo ku habsan doonta dalalka bariga dhexe iyo waqooyiga qaarada africa , Inkastoo dalka ruushku yahay wadanka koowaad ee soo saara sareenka ama qamadiga ugu badan dunida wadamada kala ah shiinaha , hindiya iyo Ukraine ayaa iyaguna dalagaasi muhiimka ah si wayn dunida ugu dhoofiya 



Marka la gaadho bisha Jully ee sanadkan ayaa la filayaa in la gooyo qamadiga ah bislaaday si loo dhoofiyo hase ahaatee dagaalkan u dhexeeya Ukraine iyo ruusha ayaa la filayaa inuu saamayn ku yeelan doono dalagyada dalalkaasi ka soo go,aya

Waxa intaasi dheer in qorshaha lagu darsado talaabada ay qaar kamida dalalka aduunku bangiyada dalka ruushka uga saareen nidaamka  caalamiga ah ee swift iyana tahay arin saammayn ku yeelanaysa dhoofinta sareenka  iyo qaabka lacagaha la isku waydaarsan doono

iyana waxa jirta in dalka turkigu soo saaro kala badh sareenka ama qamadiga dalkiisa ayaa hadana waxa la sheegayaa in dalkaasi si wayn ugu tiirsan yahay badeecadaha dalalka colaadu ka dhexeyso boqolkiiba 85% , xogo  la helay ayaa sheegaya sanadkii tagay 2021 turkigu dalka ukraine  inuu kala soo dagay qamadigii ugu badnaa abid heerkiisuna meel sare uu gaadhay 

waxaanay dawlada turkigu xiligaasi sheegtay inay awood u leedahay inay wax soo saarato si ay uga soo kabato khasaaraha ka dhashay qamadiga ay soo dhoofsanayso 

Dagaalka Ukraine iyo ruush oo sii daba dheeraadaa ayaa waxa ay ka dhigan tahay sanad adag oo soo wajihi doona muwaadiniinta turkiga kuwaasi oo aad u jecel roodhida laga sameeyo qamadiga 

Sicir bararka ayaa durba saameeyay wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika kuwaas oo inta badan qamadigooda ka soo iibsada Ruushka iyo Ukrain, taasoo keentay inay qarka u saaran tahay dhibaato cunto oo soo wajahda 

“Si ka duwan Turkiga, inta badan dhaqaalaha dunida Carabta waxa uu si weyn ugu tiirsan yahay sarreenka la soo dhoofiyo . dalka Masar waxay si wayn ugu  tiirsan tahay dalalka Ruushka iyo Ukraine iyadoona boqolkiiba 85 ka soo iibsata sarreenkeeda, Tunisia waxay ku tiirsan tahay Ukrain inta u dhaxaysa 50 iyo 60 boqolkiiba qamadida ay la soo degto," 

wararka sheegaya in dawladda Tunisia ay hore u awoodi wayday in ay iska bixiso kharashaadka shixnadaha qamadiga ah ee imanaya, waxaanay sheegtay in ay jirto gabaabsi baahsan oo ka mid ah wax soo saarka badarka sida baastada oo qayb weyn ka ah cuntada Tunisia.

wadamada Masar, Tunisia iyo Lubnaan, marka laga soo tago Yemen iyo Sudan ay halis weyn ugu jiraan sare u kaca qiimaha iyo dalabaadka qamadiga

In kasta oo dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine uu sii xoogaysanayo, waxa hoos u dhac ku iman kara dhoofinta sarreenka ee dhulkooda ka soo go,a .

inkasta oo Marooko aanu ku tiirsanayn qaar ka mid ah dalalka jaarka la ah qamadiga la soo dhoofiyo, haddana ay hadda ku jirto abaartii ugu xumayd muddo 30 sano ah, taas oo keentay sare u kac ku yimi qiimaha cuntada, taas oo aakhirka ku qasbi doonta dawladda inay kor u qaaddo badarka la soo dhoofiyo ee dalku u baahan yahay 

Marka la eego doorka roodhida  oo noqotay badeeco siyaasadeed oo lagu soo oogay qaybo badan oo kamida  adduunka, waxayna  u muuqataa culays dheeraad ah oo ku saabsan baahida loo qabo sarreenka iyo suurtagalnimada ah kor u kac ku yimaada  sicirka  lagu iibsanayo tanina ay horseedi doonto kacdoono shacab 

Jaceylka Roodhidu waxa ay calaamad u tahay kacdoonkii shacabku  sameeyeen sanadkii 2011 ee ka dhacay dallaka  Masar iyo Tunisia  

Diyaarintii iyo Turjumidii Wariye Nuux kadiye 

Follow Me Twitter @kadiyenuux

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Labo ka mid ah isbitaalada ugu waawayn marinka Gaza oo shaqo joojin sameeyay

 Laba ka mid ah isbitaaladii ugu waawaynaa Marinka GAZA ayaa joojiyay hawlihii caafimaad ee ay u qabanayeen bukaanada ku soo dhaawacmay duqeymaha halkaasi ka socda  Labadii isbitaal ee ugu weynaa Gaza ayaa joojiyay inay qaabilaan bukaanno cusub sababo la xiriira duqeymaha ka dhanka ah Israel iyo daawo yaraanta ay weheliso Gabaabsiga shidaalka, iyadoo la sheegayo inay Korortay dhimashada bukaanada iyo shaqaalaha caafimaadka. Al-Shifa iyo Al-Quds, oo ah isbitaallada ugu waaweyn Gaza, ayaa sheegay inay gabi ahaanba Hakiyeen hawlihii shaqo ee Gargaarka iyo daawaynta bukaanada  Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa tilmaamay in qaar kamida shaqaalihii caafimaadka isbitaaladaasi la dilay  inkastoo hayada caafimaadka aduunka ay ka digayso kororka dhimashada bukaanada kuna baaqday in si deg deg ah loo sameeyo Xabad Joojin .

Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Qore Rabiile Xaaji Abiib

  Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Magaca Gadabuursi, waxa inta badan la yidhaa waa naanaysta "Ilma Siciid", sida aan ka akhriyay Buugga taariikhda Gadabuursiga ee uu qoray Cabdiraxmaan Qaadi (AHUN). Qoomiyada Oromadu waxa ay leeyihiin fasiraad dheer oo qodobkan la xidhiidha. magaca Gadabuursi waxa ay si toos ah u la xidhiidhiyaan nidaamka maamul ee dhaqanka Oromada (Gada System). Waa nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku soo doortaan Gandaha Dhaqan oo ah xeerbeegtida bulshada oo uu madax ka yahay (Abaa-gadhe), golaha Difaaca oo ah hogaanka ciiidanka oo u madax ka yahay (Abaan-Duulle) iyo Golaha Sahanka iyo Xidigiska oo madax ka yahay (AbĂ an waare). Nidaamkan GADA ayay ku tilmaamaan in uu ahaa nidaam gadabuursiga la gu majeeran jiray, magaca Gadabuursi na uu kala jabo laba qaybood oo kala ah Gada oo ah "Nidaam" iyo "Biirsi" oo ah hadhaadigii. Macnuhu waa hadhaagii Nidaamka. Siday ku timid? Inkasta oo aanay dhacdadani si cad u gu dhignayn Buugga furash