Skip to main content

Ma Maamule Maaliyadeedbaa Mise Waa Mukhalas Maaliyadeed Oo Kala Fogaynaya Shacabka Xariirta Ee U Hogaansan Cashuur Bixinta Iyo Dawlada?????........

Ma Maamule Maaliyadeedbaa Mise Waa Mukhalas Maaliyadeed Oo Kala Fogaynaya Shacabka Xariirta Ee U Hogaansan Cashuur Bixinta Iyo Dawlada?????........


Borama(MNN)Xafiiska Cashuuraha Bariga Ee Gobolka Awdal Waxa Uu Kaalinta Labaad Kaga Jiraa Dakhli Soo Xeraynta Cashuuraha Dalka Marka Laga Reebo Caasimada Hargeisa Oo Ka Dhaqaale Iyo Dadweyne Badan Magaalada Borama.

Waxaad Halkaasi Aad Ka Garan Kartaa Sida Hagar La’aanta ah Ee Shacabka Borama Looga Qaado Cashuuraha Kala Duwan Ee Ku Waajibay…


Marar Kala Duwan Waxaa Warbaahinta ka Soo Muuqda Shacabka Magalada Borama Gaar ahaan Ganasatada U Badan Bacadlayaasha Oo Ka Cabanaya Culayska Cashuuraha Iyaga Oo Farta Ku Fiiqa. In Magaalooyinka Dhigooda ah Ay ka Cashuur Bixin Badan Yihiin. Iyaga Oo Tusaale u soo Qaata Meheradaha Dhigooda ah Ee Ku Yaala Hargeisa Dabcan Ay Leeyihiina Xidhiidh..


Yaa Ku Keenay Culayska Cashuuraha Shacabka Boram?????



Shacabka Magaalada Borama Qaybihiisa Kala Duwan Waxaa ay Si Wanaagsan uga Dhagarsan Yihiin Culuska Xad Dhaafkaa Ee Ay Kala Kulmaan Maamulaha Iyo Xafiiska Cashuuraha Bariga Borama Mr.C/laahi Aadan Nuur


Kaasi Oo Hadafkiisu Yahay inta Uu Xafiiska Joogo In Magaalada Borama Kaalinta 1aad Ka Gasho Dhinaca Dhakhli Soo Xeraynta.Culuska Uu Saaray Ganacstada iyo Shacabka Borama Waxay Keentay In Uu Darajo iyo Shahaadooyin Kaga Helo Wasaarada Maalinyada.Kursiga Uu Ku Maamulo Maaliyada Gobolkana Uu Noqdo mid Cimri Dheerar ka Qaada...


Tusaale ;Waxaa Horaantii Toddobaadkani Saldhiga Dhexe Ee Borama Loo Taxaabay Aqoon Yahan C/Qaadir Daahir Oo Ka Mid ah Bulushada Borama Islamarkaana Laga Dalbaday In Uu Bixiyo Cashuurta Dhismaha Guri Uu Dhisaayey Kaasi Oo Ka Koobnaa 3 Qol Oo Wakiil uu ka Ahaa Dhismihiisa Lagana Dalbaday in uu Bixiyo 300$ (Dollar).


C/Qaadir Ma Uu Diidin sida uu Ku Cadeeyey Muuqaal Uu Baahiyey isaga Oo saldhiga dhexe ku Xidhan Laakinse Waxaa uu Su’aalay Sharciyada Uu Ku Bixiyo Lacagtaasi Ama Loo Sheego Numberka Wasaarada Maaliyada Ee Lacagtaasi Uu Ku Diro.

Intaasi Ka Dib Waxaa Codsigaasi C/Qaadir ka Cadhooday Islamarkaana Amar Ku Bixiyey In Xabsiga Loo Taxaabo Maamulaha Cashuuraha Bariga Awdal C/laahi Aadan Nuur..


Ganacsatada Iyo Bulushada Qaybaheeda Kala Duwan Ee Mar uun Booqday Xafiiska Maaliyada Ee Gobolka Awdal Waxaa Ay Siwanaagsan Uga Dharagsan Yihiin Culuska Iyo Tacadiyada Kala Duwan Ee Ay Kala Kulmaan Maamulaha Xafiiska Cashuuraha Bariga Mr.C/laahi Aadan Nuur…

Si Kastoo ay Ahaataba Shacab Badan Ayaa Isweyndiinaya Ma Maamule Maaliyadeedbaa Mise Waa Mukhalas Maaliyeed Oo Kala Fogaynaya Shacabka Xariirta Ee U Hogaansan Cashuur Bixinta Iyo Dawlada...


Isku Soo Wada Duuboo Waxaa Shacabka Reer Awdal Dal iyo Dibadba Ay Isha Ku Hayaan In Uu Cadeeyo Islamarkaana Iftiimiyo kana Jawaabo Maamulaha Cashuuraha Bariga Ee Gobolka Awdal Cabashada Iyo Xadhiga Lagula Kacay Muwaadin C/Qaadir Daahir Ka Soo Dhex Diray Muuqaal Video ah Saldhiga Dhexe Ee Borama Kaasi Oo Tirsanaya In Uu Dulmi Ugu Xidhan Yahay Amarka Maamulaha Cashuuraha Bariga Ee Awdal…….


Geesta Kale Waxaa Jira Kumanaan Shacab Kala Duwan ah Oo Tabashooyin iyo Cadaalad Daro Ka Tirsanaya Maamulaha Cashuuraha Barigga Ee Awdal Balse Waayey Cid Dhagaysta Ama Ay U Soo Bandhigaan Tabashooyinkooda.


Darajo iyo Horumar Laguma Gaadho Culus Iyo Cadaadis La Saaro Bulusho Alle Weyne Masuuliyadooda Ku Saaray Oo Aad Awood Dawladeed Kaga Adagtahay Hadaad Darajo Gaadhana waa Mid Cuqubadeeda Leh………


Maxamed Deeq Cismaan


Magaalonews Desk.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g