Skip to main content

Maydadka Shuhadada oo ku Qudmay Jidadka Qaza

 Muuqaallada meydadka ayaa caadi ka noqday in lagu Arko marinka Qaza tan iyo toddobaadadii la soo dhaafay, ilaa iyo Hada Dad Kor u dhaafaya 20,915 ayaa ku shahiiday Duqeymaha Gumeystaha Israel ka wado dhulka Falastiiniyiinta Dhaawucuna wuxuu kor u dhaafayaa  54,918 kuwaasi oo u badan carruur iyo haween.Waana Mida keentay  maydadka lagu Arkayo Marinka Gaza?


Warbaahinta Aljazeera oo isha ku haysay meydadka shuhadada falastiiniyiinta lagu arkayo wadooyinka Xaafada Beit Hanoun ee waqooyiga Marinka Gaza, halkaasi oo dadka ay awoodi waayeen inay aasaan, sababo la xiriira duqeymaha Xoogan ee Gumeystaha Israel ku hayo, gaadiidka gurmadka deg dega ayaa awoodi waayeen inay yimaadaan halkaasi si maydadka u asturaann 


Wakaaladda Anatolia oo soo xiganaysa dad goob joogayaal ah iyo ilo maxalli ah ayaa sheegtay in meydadkan ay ku hareen waddooyinka tan iyo markii uu billowday weerarka dhulka ee Israa’iil ay ku qaadday Gaza 27-kii Oktoobar ee sannadkan sii dhamaanaya Waxaana la sheegayaa in wadooyinka qaar lagu arkay Maydad la gawracay 





Sidoo kale, sawirro gaar oo ay baahisay Aljazeera ayaa muujinayay Meydadka Shuhadada oo yaalla Waddooyinka Xaafadda Sheekh Radwaan ee Waqooyiga Marinka Gaza, waxaana Falastiiniyiinta ay awoodi waayeen inay iyaguna aasaan.



Dhamaadkii bishii November ee la soo dhaafay, wariye ayaa sawiro naxdin leh ka soo diray isbitaalka Al-Nasr ee carruurta, kuwaas oo muujinaya Meydadka Caruurta oo qudhmay kuwaasi oo ciidanka Gumeystaha israel  dadka ka hor istaageen in la soo saaro oo la aaso.


Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ayaa  xaqiijisay inay diiwaan gelisay helitaanka 5 Caruur ah  ah oo dhintay iyo xaalad Qalafsan oo soo wajahday isbitaalka Al-Nasr waxayna Hay,adu ku baaqday in baadhitaan lagu sameeyo dhacdooyinka argagaxa leh ee halkaasi ka dhacay 


maydku waxa uu keenaa khatar caafimaad ,, inta badana Ma faafiyaan cudurro bulshada dhexdooda ah. Laakiin tani waxay khusaysaa haddii ay jiraan adeegyo caafimaad iyo iyo shaqaale ka shaqeeya Maydka si habboona u aasay.


Dhanka Marinka Gaza, arrintu sidaas maaha, iyadoo ciidamada Israa’iil ay burburiyeen kaabayaasha caafimaadka oo ay isbitaaladu ku jiraan , isla markaana ay beegsadeen shaqaalaha caafimaadka, waxayna arintani horseeday in la arko meydad daadsan  waddooyinka maalmo iyo toddobaadyo, mana jirto cid soo saari karta si loogu aaso qaab wanaagsan 



Dadka gacanta ku haya meydadka (shaqaalaha samatabbixinta, waxay u Nugul yihiin inay qaadaan Xanuunada tiibida , Jooniska Noocyadiisa B iyo C, iyo cuduro ay shubanku ka mid yihiin . Si kastaba ha ahaatee,  Shaqaalahaasi waxay ku badbaadi karaan iyaga oo xidha kabaha caagga ah iyo galoofyada Facemaska 


Balse Marinka Gaza, waxa jirtaa gabaabsi la xidhiidha Qalabka caafimaadka ee lagama maarmaanka ah, sidaa darteed waxaa jirta khatar weyn oo Caafimaad taasi oo soo wajahda dadka ka shaqeeya qaadista iyo aaska meydadka.


Maydadka aan la aasin Marinka Gaza - Xiliyada  roobabka  - waxay keeni karaan khataro caafimaad oo ay ka mid yihiin 


1- Faafida cudurada iyo wasakhowga biyaha

Biyaha roobka ayaa maydhi kara dareeraha jidhka iyo wasakhowga jidhka ku jira, kuwaas ayaa saamayn ku yeelan kara ilaha biyaha ee dadku ku tiirsan yihiin cabbitaanka, karinta iyo maydhashada, waxaanay sababi kartaa faafitaanka cudurrada, gaar ahaan shubanka.


 tirada sii kordheysa ee meydadka googo'aya, biyo la'aanta daran, nadaafadda iyo adeegyada fayadhowrka, iyo daryeel la'aanta caafimaad ayaa sii kordhinaysa khatarta cudurka daacuunka .


2- Maydka oo aan la aasin waxay soo jiidan karaan xayawaanada ay ka mid yihiin iyo jiirka bisadaha iyo eyda. Dabcan cayayaano kaneecadu ka mid tahay ayaa sababi kara inay xanuuno faafiyaan


3- Maydadka aann la aasin waxay abuurii karaandhibaato xaga  neefshashada ah Qaasatan dadka ka ag dhow.


4- Saamaynta caafimaadka maskaxda

Aragga iyo urta maydka aan la aasin waxay saamayn nafsiyeed ku yeelan karaan bulshooyinka, taasoo keenta dhaawac maskaxeed


:



Bishii Nofeembar 18-keedii, Kormeerayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Euro-Mediterranean ayaa ka digay inay masiibo caafimaad ku soo fool leedahay Marinka Gaza, halkaasoo meydadku ay weli daadsan yihiin waddooyinka  dhismayaasha ay burburiyeen duqeymaha Israel. 


Hay’adda xuquuqul insaanka ee fadhigeedu yahay magaalada Geneva ayaa sheegtay in marinka Gaza ay ka maqan tahay adeegyada aasaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah in laga raadiyo meydadka burburka ku hoos jira, haddii ay tahay la’aanta mashiinnada culus iyo qalabka ay u baahan yihiin kooxaha samatabbixinta iyo difaaca madaniga ah, ama curyaaminta dhammaystiran ee ambalaasyada iyo kooxaha caafimaadka. Intaa waxaa dheer, korontadu waxay adkeyneysaa in meydadka la geliyo qolka meydka, taasoo keenta in si khaldan loo aaso.




Aasida aan saxda ahayn iyo aaska aan tooska ahayn ee meydadka lagu aasayo xabaal wadareedyada waxay keeni kartaa cuduro kala duwan oo laga yaabo inuu ku faafo bulshada dhexdeeda

Tani waxay u horseedi kartaa dhibaatooyin caafimaad sababtoo ah Medku  waxaa laga yaabaa inuu Qarxo taasina waxyeelo gaadhsiin karto deegaanka waxa intaa dheer, bakteeriyada iyo fayrasyada qaarkood waxay ku sii jiri karaan jidhka muddo wakhti ah dhimashada ka dib, 




Cabsida laga qabo faafitaanka cudurrada Marinka  Gaza ayaa sii kordhaya, marka loo eego duqeymaha joogtada ah ee halkaasi lagu hayo laguna bartilmaameedsanayo Goobaha caafimaadka iyo isbitaalada qaybta caafimaadka iyo bartilmaameedka isbitaallada, 


Isbitaalada Qaarkood ayaan helin wax gargaar caafimaad iyo mid cunto ah muddo laba bilood ka badan, waxaana toddobaadyadii la soo dhaafay gabi ahaanba shaqayn waayay  inta badan Qalabkii loogu adeeyay dadka dhaawac ah 



Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g