Skip to main content

Hadii aad Tahay Qof ku xidhan Wariye Nuux kadiye waa Muhiim inaad Akhrido Qoraalkan oo ku saabsan Macluumaadka uu Asxaabtiisa la Wadaago!

Kadiye Media : Nuxurka Qoraalkani waxa uu yahay inaanan Qofna la qancin karin hadii aad qancisana ku kale ayaa kaaga baahan inaad qanciso


Labada Dhinac bal ila eeg Muuqaalo kala duwan ayaa soo dhigay Bartaydan Facebook Midi wuxuu ahaa 1: ree Awdal haka tashadaan Somaliland iyo Somalia oo dantooda haka fikiraan intii ay labadaasi maamul ku daba jiri lahaayeen 



Muuqaalka Wariye Nuux kadiye kaga hadlay Danaha shacabka Awdal ee dadbadani saluugeen qaabka ka hadalka Arintani iyaga oo inta badan dadka ku xidhan wariye nuux kadiye u arkeen mid qaranimada soomaliland waxyeelaya oo dad kicin u badan taasi oo dhinaca kale shacabka Gobolka Awdal iyo kuwo kale oo Soomaalidaa kale kamida ah ay muuqaalkani si wayn u mahadiyeen una soo dhaweeyeen iyaga oo u arkay in dantoodu ku jirto in ay ka tashadaan Soomaliland iyo Soomaaliyaba Daawo Muuqalkan



Muuqaalka kalena waxuu ahaa 2: Kuwa caadifadaysan ee Somaliland neceb jiritaankeeda ha iskaga Guuraan maadaama soomaliland tahay wadan ka Go,ay somalia oo ay gooni u istaagtay oo leh dawlad iyo hanaan maamul oo wanaagsan Muuqaalkani labaad ayaa ka hadlaya gooni isutaaga soomaliland iyo jiritaankeedaba waana mid fariin loogu dirayo dadka caadifadaysan ee neceb soomaliland iyo Gooni isu taageeda kuwaasi oo hadii somaliland kamid maaha soomaliya la yidhaa kuu arkaya Qof ku gafay midnimadii soomaliwayn taa badalkeedana jecel in somaliland noqoto maamul goboleed waxaana muuqaalkan lagu difaacayaa jiritaanka iyo qaranimada soomaliland balse dadkii daawaday badankoogu waxay wariye nuux kadiye ku tilmaameen mid cabsi iyo walwal soo wajahday amase dhinaca kale laaluush la siiyay si uu somaliland u difaaco bal nala eeg Muuqaalkanina



Hadaba Akhristayaasha ku xidhan pageka ama degalka wariye Nuux kadiye ayaa noqday kuwo gabi ahaanba Wanaag iyo Xumaan midkasta oo uu ka hadlo midba dhan u fasirto Qofkasta oo la socda pageka wariye Nuux kadiye ayaa jecel in waxa uu jecel yahay uun laga hadlo oo aan laga soo horjeesan fikirkiisa hadii laga soo horjeeshadana damcaya inuu kula coloobo oo uu kuu arko Qof dhinac ka raran oo la adeegsanayo dhinaca kale qofkaasi hadii fikirka uu aaminsan yahay la buunbuuniyo oo la amaano oo si wacan looga hadlo ayaa qofkaasi wuxuu noqonayaa mid Markasta taageero u ah nuux kadiye amaanaya bogaadinaya isagoo markasta ku dhiiri galinaya inuu fikirkiisa uu halkaa kaga hayo oo aanu kaba soo horjeesan

Hubaal waa laba Arimood oo kaaf iyo kala dheeri ah una baahan in si kale loogu turjumo

Dabcan Nuux kadiye waa wariye ku sugan Magaalada Boorama Markastana ka hadla wixii jira iyo xaqiiqada dhabta iyo hadba waaqaca taagan laakiin hada waxaa uu ogaaday kadib markii daraasado uu sameeyay in Saaxiibada ku xidhan pagekiisa Facebook, Youtube iyo websiteyadaba inay yihiin Kuwo markasta Jecel in fikirkooga uun laga hadlo oo wixii ay nacaana la noco wixii ay jecel yihiina la jeclaado taasina waxay u muuqataa in dabcan Qofka aan la qancin karin laakiin ay wanaagsan tahay inuu la socdo hadba wixii uu wariye Nuux kadiye ka hadlo dhaliisha Fikirka iyo waxa isku sheegaba waa mid aanu diyaar u nahay maadaama fikirka Qofku xor u yahay oo aanan laga Hor istaagi karin

Gabagabadii waxa wariye Nuux Cumar Kadiye u muuqatay in ay ka wanaagsanaan lahayd ka hadalka fikradaha kala duwan ee Asxaabtiisu jecel yihiin in laga hadlo ama laga doodo in gabi ahaanba uu ka aamuso maadaama Labada Dhinac Midkastaayi uu is leeyahay Fikirkaaga ayuu Nuux kadiye ka soo Horjeeda ama ka xun yahay

Inkastoo ka hadalka wixii Jiraa ay muhiim tahay oo qofka ku xidhan Degalka Nuux kadiye u arko inuu u soo tebinayo wixii cusub iyo Macluumaadyo kala duwan Laakiin wariyaha aanan loo arag Mid dhinac ka raran balse ka hadli kara wax walba oo uu is leeyahay waa run oo bulshada ayaad la wadaagi kartaa wariye Nuux kadiye Cidna ma necba oo si gaara farta uguma fiiqo laakiin ula jeedadiisa ayaa ah inuu runta salkeeda soo Taabto bulshadana usoo Gudbiyo hadba wixii war iyo Macluumaad ah iyadoo taasina u dheer tahay ka hadalka waaqaca ka jira bulshada dhexdeeda isaga oo u adeegsanaya qaab falanqayn ah

Waxa Qoraalkan daabacay Wariye Nuux Cumar Kadiye

oo ku sugan Magaalada Boorama
Tell: 0633258000

Mahadsanidiin

FIKIRKIINA BLOGGERKA AYAAD KA SOO DHIIBAN KARTAAN

SIINA FAAFI

Comments

Popular posts from this blog

Kulankii madaxweynaha soomaaliland iyo raysal wasaaraha ethopia ku dhex maray magaalada adis ababa Daawo

Waxa maanta si diiran logu soo dhaweeyay magaalada borama madaxweynihii hore ee awdal state

Borama-Nuux kadiye-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in M\waynihii Hore Awdalstate Rshiid Awnuur sii fiican loogu soo dhaweeyay magaalada Dila dadwaynaha kala hadlay barxada hore isaga iyo wafdigii uu hogaaminayayba waxayna uga mahad naqeen sida fiican ay ugu soo dhaweeyeen dhulkoodii hooyo ay mudo maqnaayeen

Waraysi Gaar ah oo Puntland TV la yeeshay Madaxweynaha Puntland Prof. Cabdi wali maxamed cali gaas oo arimo badan ka hadlay oo ay ka mid inuu soo celin doono gobolada sool sanaag iyo cayn ee soomaaliland ka tirsan Daawo ...