Skip to main content

Soomaalidu Wakhti Hore waxay ahaayeen Qoys laakiin waxa kala Geeyay Gumeystayaal reer Galbeeda kadib markii Africa la soo galay

Kadiye Media Sida aan ka wada warqabno dadka Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen intooda badan dad Xoolodhaqato ah,kuwaas oo dhaqdo Sedexda nooc ee Xoolaha ee ay Maantaba dhaqdaan,Waxa ayna Xoolahooda u daaq geyn jireen meel alaale iyo meeshii uu roob ka da’o oo ka tirsan dhulka ay Soomaalidu ka degto Geeska Africa Iyada oo aysan jirin wax soohdin ah oo kala celisa.
Sida ay sheegaan Taariikhyadanadu, Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad sida Hal qoys oo kale ah, maadaama Diin, dhalasho iyo dhaqan ahaanba wadaagaan waana sababta keentay in aysan ilaa Maanta aqoonsan xaduud beenaadkii uu sameeyey Gumeystihii, halkaas oo dhulkii midka ahaa u qeybiyey ilaa Shan qeybood sida Koonfur, Waqooyi oo Somaliland ah, Jabuuti Soomaali-galbeed iyo NDF


Sida aadba ka dhegeysan doontaa Video-yadan soo socda degaanada ay Soomaalidu ka degto Geeska Africa waxa ay ahaayeen mid inta aysan imaan Nimankii reer Yurub mana jirin wax soohdin ah oo u dhaxaysay dadka Soomaaliyeed,mana jirin wax la yiraahdo Koonfur iyo Waqooyi laakiin nasiibdaro markii la qabsaday ayaa waxa loo qeybiyey ilaa Shan qeybood.
Qeybsashadii Africa la qeybsaday waxa ay dhibaato xoogan u geysatay guud ahaan Qaaradda Africa gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed sababtoo ah waxaa dhulkoodi la siiyey dalalka Ethiopia iyo Kenya Iyada oo aan waxba laga waydiin
Hadaba Su’aasha meesha taalaa waxaa weeye maxaysan Soomaalidu u aqoonsadeen kala qeybintii lagu sameeyey dhulkeeda iyo waliba soohdintii loo sameeyey Konfur iyo Waqooyiga?


Jawaabtu waa iska caddahay maxaa yeelay kala goyntaasi ma’ahan mid ay raali ka ahaayeen dadka Soomaaliyeed tusaale ahaan haddii beerta aad leedahay uu Nin yimaado ka dibna uu beertii kala qeybiyo qeybna ku siiyo qeybtii kalena uu siiyo Ninkii dariskaaga ahaa ma yeeleysaa? Waa maya tan kale waxaa jirta tusaale ay isticmaalaan Culimada Islaamka kaas oo oronayo wixii baadhil lagu dhisaa Isagana waa baadhil.


Warbaahinta  Kadiye Media way soo xigatay taariikhdan maaha mid iyadu masuul ay ka tahay waxaanad warbixintaasi ka daalacan kartaa Linkiga halka sare ku calaamadaysan

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.