Skip to main content

Ree Awdaloow Saylici ayaa xaq idinku leh inaad hambalyeysaan ee Muuse biixi xaq uma laha hambalyadiina! Fariin iyo Faalo

Kadiye Media ( Boorama) Ree Awdaloow Saylici ayaa xaq idinku leh inaad hambalyeysaan ee Muuse biixi xaq uma laha hambalyadiina!

Waxa maalmihii ugu danbaysay warbaahinta Gobolka awdal kusoo badanayay hadalo xanaf iyo xajiin leh kaasi oo salka ku haya natiijadii ay dhashay doorashadii 13 november ee somaliland ka dhacday iyadoona dadki iskugu hambalyeynayeen Guushii uu gaadhay xisbiga Kulmiye ayaa waxa gobolka awdal mar qudha dib usoo laba kaclaysay xanaftii iyo hadal isku tuurtuurkii warbaahinta ku salaysnaa waxaanay amuurtani kusoo beegantay xili dhawaan mid ka mida salaadiinta dhaqanka awdal ay hambalyo u dirayeen Musharax muuse biixi cabdi iyaga oona hambalyayn Madaxweyne ku xigeen cabdiraxmaan cabidlaahi ismaaciil saylici dhacdadaasina waxay keentay in hogaanka dhaqanka beesha uu ka soo jeedo madaxweyne ku xigeenku ka cadhoodaan in aan loo Hambalyayn mudane saylici oo markii labaad ku guulaystay inuu soomaliland majaraha u qabto Hogaaminteeda . Shacabka ree awdaloow siiba Hogaanka dhaqanka salaadiinta midkastaba ha ahaatee waxa muhiima inaad dajisaan xaaladaha siyaasadeed ee Warbaahinta la isku marinayo waayo dadkii idinku dhax noolaa ayaa ku kala dhimanaya oo ku kala tagaya hadaladiinaa xanafta xambaarsan 



Salaadiinta , iyo shacabka ree Awdaloow Saylici ayaa idinku xaq leh inaad hambalyeysaan isaga ayaa ka soo jeeda Gobolkeena isaga ayaa maanta ina matala oo magac samaroon iyo magaca shacabka ree awdal ayuu wax ku yahaye Hala joojiyo hadalada Warbaahinta la isku marinayo , Arimaha dhacayana dib haloo saxo Geed hala wada fadhiisto wixii khaldamayna aynu saxno yaynaan shacabka ree awdaloow ku kala tagin Xumadii ay reebtay doorashadii somaliland ka dhacday Mudane Madaxweyne Cabdiraxmaan saylici  raali galin halaga siiyo Gefka lagula kacay oo halaga raali galiyo Shacabka ree Awdaloow Amuuraheena iyo siyaasadeena gudaheena aynu xalino aynu ka foojijnaano in shacabkeenu ku kala tagaan siyaasad aan saaxiib lahayn oo dano gaara wadata shacabkaygoow , suldaankaygoow, caaqilkaygoow, aqoonyahankoow , dhalinyarooy, Haweenoow , siyaasiyoow aynu joojino hadalada Kulul ee warbaahinta isku adeegsanayno misana Ummadaha kale inagula yaabayaan waa fariin caafimaad qabta oo u baahan inaynu qaadano 

Mahadsanidiin 
Nuux Cumar Kadiye 
Kadiye Media 
Borama Awdal

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g